SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sh. C/lahi Sh. Cali Jawhar oo ku Tilmaamay Dilka Afarta nin iyo Jidgooyada wax ka baxsan Dhulka la Isku Hayo

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    baldkaBorama(Sawnews/Bnn)- Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ah Sheekhul Baladka Gobolka Awdal Kana  mid ah Sheekhyada ugu Caansan Guud ahaan Dalka ayaa ku tilmaamay Dilka Nimanka la afduubay iyo Jidgooyooyinkuba mid ka baxsan Dhaqanka Suuban ee Diinta Islaamka.

    Sheekh Jawhar oo Saaka tukinayey Salaadii Janaasada ee lagu tukaday Maydka Afarta nin ayaaa sheegay in Dilka iyo Jidgooyado aanay ka mid ahayn waxa la isku hayey ee Dhulka ee ay tahay mid aan loo dulqaadan karin, Sheekhu wuxu intaa ku daray in Dowlada looga baahana yahay inay Gacanta kusoo dhigto Cida Geysatay dilka lana mariyo Sharciga Islaamka oo la Qasaaso.

    Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ayaa sheegay in ilaa Hadaaya Dhinaca Gabiley lagu haysto 7 Qof oo la Afduubay iyo Labo Gaadhi ayna Tahay in Sida ugu Dhakhsaha Badan losoo daayey Gawaadhida iyo Dadka la haysto.

    Suldaanka Guud ee Beelaha Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan ayaa Sheegay inay aad uga xun yihiin dilka afarta nin ee la afduubay isagoo Sheegay inaanay wax lug ah kulahayn Arrinta Dhulka

    Sudlaan Ismaaciil Suldaanka Guud ee Beelaha Gabileya ayaa intaa ku daray in Jidgooyooyinka la dhigtay iyo Dilka NImanka la qafaashayba aanay ahayn waxay raali ka yihiin dhinacoodu aadna ay uga xun yihiin waxa dhacay, isla markana aanay arrintaasi wax lug ah ku lahayn Arrinta la isku hayo ee Dhulka.

    Suldaanka ayaa intaa ku daray in dhicoonada ay soo jeedinayaan inta arrinta la xaliyo oo la dajiyo isagoo ku baaqay in Laga wada hadlo waxa dhacay dhibtana la xaliyo

    Suldaan Ismaaciil Suldaanka Guud ee Beelaha Gabiley wuxu intaa ku daray in dhankooda diyaar u yihiin waxkasta oo arrinta lagu xalinayo wuxuna sheegay in Dhinaca kalena ay u gudbinayaan siday uga xun yihiin dilka nimanka loo geystay diyaarna u yihin inay gacan ka geystaaan wixi dhankood looga bahan yahay.

    Borama News Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: