SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • ODAYAASHA GOBOLKA GABILEY OO SHIR JARAA,ID XALAY KU QABTEEN XARUNTA GOBOLKA GABILEY.

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    P00712200975738Gabiley (Gabiley News)-Shan iyo labaatankii oday ee ka midka ahaa odayaashii shirkii xal u helida khilaafka dhulka ee ceelbardaale u matalayay gobolka Gabiley ayaa xalay shir jaraa,id ku qabtay xarunta gobolka Gabiley iyagoo beeninaya waxyaabihii lagu baahiyay warbaahin ee wax lagaga sheegayay kulankii dhex maray iyaga iyo madaxwaynaha oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin waxyaabaha ay wrbaahintu qoreen oo ahayd been cad oo ayna garanayn meel laga keenay iyo sidoo kale inay aad uga xunyihiin arinta foosha xun ee dhaca iyo boobka cad ah ee ka dhacday jidka isku xidha magaalada Dila iyo Kalabaydh ee lagu laayay dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan.

    caaqilada shirka jaraa,id qabtay ayaa dhamaantood beeniyay inay run ahayd wararkii lagu baahiyay warbaahinta, dhamaantoodna waxay raali galin ka bixiyeen falkii jidka ka dhacay oo ay dadkii ku geeriyoodayna ilaahay uga baryeen in ilaahay janadii fardawsa ka waraabiyo qoysaskii ay ka bexeen iyo somalilandba samir iyo iyo iimaan ka siiyo.

    Caaqil Cabdi Ciidle Amaan caaqilka guud ee gobolka gabiley oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii “ilaahay masiibada iyo mashaqada meesha ka dhacday isagaa caalimulqayb ahee umada meesha lagu laayay ha u naxariisto, qoysaskii iyo eheladii ay ka bexeena samir iyo iimaan haka siiyo. arinkaa halkaas ka dhacayna maaha mid reer gabiley ku lug leeyihiin, mid ay raali ka yihiina maaha, ciddii falkaa yeelatana ilaahay kiiskeeda ha ku qaado. odayaashayadii shirka la galnay madaxwaynaha waxaanu kula jirnay shantii galabnimo ilaa iyo sideedii habeenimo waxaanu isla dhaafnayna may jirin laakiin waxa idaacadaha laga sii daayay in shan iyo labaatankayagu aanu is diidnay madaxwaynuhuna yidhi kiis danbe ayaa laga qaadayaa. ilaahaybay been u sheegeen. anagu madaxwaynaha waxaanu ku heshiinay oo uu noogu dhaartay inuu si daacad ah ugu dhakhsaha badan u fulinayo ee nimankii dacwadu idinka dhaxaysay ee arinkaa diiday intaan u yeedhayo ee aan qancinayo hala isugo ayuu nagu yidhi madaxwaynunhu anaguna waanu ka ogolaanay. waxaa kale oo aan inkaar ku ridayaa waxa saqajaanka ah ee wadada istaagay ee aananu garanayn inay reer Gabiey yihiin ee umadii wadada maraysay habeenka madaw dhib iyo dhacba u gaystay. waxaanu balanqaadaynaa walaalahayaga dadkaasi ka dhinteen inaanu qalbiga waxba idiinku haynbaa nagu walaahiya, inaanu xumaan idiinku talo galin, oo aananu reer Gabileynimo idiinku talo galin dhib ka dhex dhacda labada Gobol. dhibtu waxaa weeyi Beer kaliya ayaa la isku haystay beertiina go,aanbaa laga gaadhay, go,aankii u danbeeyayna madaxwaynahaa u joogay anbabixinteeda. cidii waxaa samaysayna muraad kamay lahayn beerna, dhul in laga shaqeeyana muraad kamay lahayn ee waxay doonayeen in waxaasi sidaa u xumaado”

    dhinaca kale Caaqil Cabdi Axmed Canbe oo shirka jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin arintii foosha xumayd ee xalay ka dhacday wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh. isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “waxaanu ka xunahay hadaanu nahay odayaashii Gobolka, intaana kusoo jiray arintaas, madaxwaynahana la kulmay, waxaanu aad uga xunahay boqolkiiba boqol arinta halkaa laga sameeyay. taladayadiina maaha, waa talo dad wadanka xumaynaya ay sameeyeen. waxaanu ka raali galinaynaa oo aanu ka tacsiyadaynaynaa dadkii dadkaasi ka dhinteen, eheladoodii iyo somalilandba in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo”

    caaqil canbe waxaa sidoo kale uu eedayn usoo jeediyay warbaahinta been abuurka samaysay ee kicisay shacabka iyo shucuurta dadka reer gabiley sidoo kalana badashay arintii aanu madaxwaynaha ka wada hadalnay oo ku dhamaatay wanaag iyo is-afgarad.

    Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo isaguna shirkaa jaraa,id ka hadlay ayaa isaguna halkaasi tacsi uga soo jeediayay dadkaa geeriyooday in ilaahay janadii geeyo qoysaskoodii iyo guud ahaan reer somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.

    Maxamed Cabdi Qawdhan waxaa kale oo uu eedeeyay in ay arintaasi ka danbaysay saxaafada Somaliland oo buunbuunisay been cadna ka sheegtay waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay odayaashu la galeen madaxwaynaha oo ku dhamaaday is af-garad iyo natiijo fiican. “madaxwaynaha waxaanu ku nidhi fuli arintaa, waan fulinayaa ee waxaan u yeedhayaa odayaashii dhinaca kale si aan ugu qanciyo ayuu nagu yidhi, arintaasaananu ku kala nimid madaxwaynaha” waxay ka mid ahaayeen hadaladii caaqi Maxamed Cabdi Qawdhan

    source Gabiley, net.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: