SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maydadkii Afartii Nin ee Shalay lagu dilay Qafaalashada Oo Saaka Lagu aasay Borama.

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    news-iconBorama(Bnn)Xalay Abaaro 11:20 habeenimo  ayaa   la  keenay Maydadka  Afar nin oo  laga qafaalay  Wadada u  dhaxaysa Dilla  iyo Kalaybaydh  ka dibna  shalay subaxnimadii lagu  dilay meel Gabiley  kaga began Waqooyiga.

    Salaadiin uu ka mid    yahay  Suldaan C/raxmaan  Jaamac Dhawal   ayaa  maydadka  Afarta  nin  alaha  u  naxariistee ka  dooney  ragii Jid gooyada  sameeyey  ka  dibna  xalay  goor  danbe  soo  gaadhsiiyey  Magaalada Borama.

    Dadweynaha  magaalada  Borama  ayaaa  xalay  isku  soo baxay  Dhakhtarka  weyn hortiisa  ka  dib  markii  ay  ku w ar  heleen  in  la  keenay  maydadkii, dadweyanaha  oo  aad  u  badanaa  ayaa  waxa  ay  isla  dhexmarayeen hadlo  cadho  xanbaasan  oo  ay  u  soo  jeedinayaan  dadkii  ku  kacay  arinta  faasha xun leh.

    maydadka  Afarta  ah la keenay xalay  goor  danbe Alaha  u naxriistee oo ahaa Shuhaadaa aan  waxba galabsan oo  gacan ka  gardaran ku  dishay Jid gooyo   ayaa  waxaa  ay  kala  ahaayeen :-

    1-     Ganacsade Cali bagaashle

    2-     Enineer Daa’uud  Xaashi 

    3-     Ganacsade Mawliid        

    4-     Macalin Cali Aw cumar 

    Saaka Abaaro 6:00  subaxnimo  ayaa  waxaa  lo  qaaday  maydadka  xaga  xabaalaha dhinac bari  kaga  began  magaalada Borama oo  la  yidhaahdo ( Caro-qoolaab ).

    Isku  soo  wada duuboo,  dadweynaha  reer Borama  ayaa  xalay  cadho  xoogleh muujiey  walaw  ay  saaka  degan  tahay magaaladu .

     

    BNN   Borama.

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: