SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ergo Culus oo uu Hogaaminayo Xaabsade oo Gaadhay Borama

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    news-iconBorama(Bnn)- Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade kana tirsan yihin Xubno ku jira Wakiilada iyo Guurtida ayaa gaadhay Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal.
    Waftigan oo halkaas u tagay sidii ay u dajin lahayeen Xaaladan kacsan ee Magaalada ayaa ku sugan Hotel Rays ee Borama, waxayna halkaas Kulamo kula leeyihin Waxgaradka iyo Salaadiinta Borama oo kusugan Hotel Rays.

    Waftiga ayaa ka dambeyey Kadib Mudaharaad Rabshado wata oo ka dhacay magaalada kaas oo uu ku dhintay Hal Qof hal kalena Ku Dhaawcamay

    Waftiga oo saaka ka ambo Baxay Hargeysa ayaa ku hakaday Magaalada Gabiley oo ay Saacada joogayn iyagoo halka kula kulmay Salaadiinta iyo Waxgaradka deegaankaas oo qayb ka ah Colaada Jirta.

    Waftiga oo ay u badan yihin Siyaasiyin kasoo Jeeda Gobolka Sool ayaa waxa ka mid ah.

       1. Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade
       2. Xildhibaan guurtiya C/qaadir Maxamed Xasan (INDHO INDHO)
       3. Xildhibaan guuritida Xasan Cumar Wayne       
       4. Xoghayaha dawlada hoose ee gobolka SoolCali Maxud Cali  (Xaaji Jeeni-yare ) .
       5. Aqoon yahayn Cali Axmed Cabdi   
       6. Oday  Maxamud Yusuf Cayar 
       7. Col Maxamed Jaamac Dhulqas
       8. Oday Axmed Cali Warsame 

    Lama oga waxay kala Kulmi doonan Borama balse tani waa isku daygii ugu horeeyey ee la doonayo in lagu dajiyo Dadka Kacsan ee Mudaharaadka Dhigayay, waxayna Wariyayaasha BNN ee Borama soo sheegayaan in hadda uu dhamaaday Mudaharaadkii.

    Borama News

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: