SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dagaal Qof Ku Dhintay 5 kalena Ku Dhaawacantay Oo ka Dhacay Ceel-Bardaalle .

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    news-iconBorama(Sawnews)Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Maxamuud Sh. C/laahi Cige, ayaa caawa shaaca ka qaaday in cisbitaalka Boorame la keenay hal qof oo meyd ah iyo afar kale oo ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka lagu muransan yahay ee Ceel-bardaale.

    Sidoo kale, badhasaabka Gobobolka Gabiley Maxamed Axmed Xabeeb, ayaa isaguna dhinaciisa daboolka ka qaaday in cisbitaalka Gabiley la keenay nin ku soo dhaawacmay dagaal mar kale ka dhex qarxay laba dabley oo hubaysan oo ka soo kala jeeda laba beelood ee walaalo ah oo degan gobolada Awdal iyo Boorame.

    Ciidamo aad u tiro badan oo isagu jira boolis iyo milatari ayaa la geeyey deegaanada Ceel-bardaale, kuwaasi oo la kala dhex dhigay labadii dhinac ee shaqaaqadu ka dhex dhacday,  “lixdii nin ee baabuurka la saarnaa afartii la dilay, waxay soo gaadheen magaalada Gabiley, hase ahaatee baabuurtii ilaa imika lama hayo,” ayuu yidhi badhasaabka Gabiley oo la hadlayay saxaafada.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: