SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • BAAQ NABADEED (UGAAS CABDIRASHID UGAAS ROOBLE UGAAS DOODI)

    Posted by Sawnews.tk on July 12, 2009

    shibirASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUH,

     Aniga oo ah Ugaas C/rashiid Ugaas-Rooble Ugaas-Doodi waxaan marka hore halkani dawlada soomaliland ugu baaqayaa in ay talaabo degdeg ah ka qaado gacan ku dhiiglayaasha, budhcada ah ee dadka shicibka ah jidka u galay, dhagarqabayaashaasi dawlada ayaa ka masuul ah in ay deg deg sharciga u horkeento, iyadaanan u haysanaa wixii meehsaasi ka dhacay in ay wax ka qabato.

    Mida labaad waxaa caado aduunka u ah meeshii ay dhibaato ka dhacdo in police ama ciidan loo diro soo qab qabta kuwii danbiga galay, ciidankani la keenay awdal sababta loo keenay maxay tahay? ma awdalbaa dad shicib ah jidka u gashay oo laysay? sababta gacan ku dhiiglayaasha ciidanka loo dul dhigi wayay ee dhibanayaasha ciidanka loo dul keenay waa maxay?

        Dadka reer awdal waa dad nabada Jecel, horumar iyo waxbarashona ku dadaala fadqalalo iyo dagaalkana ka fayow. qaska halanaga daayo ayaan leehay, hadii kale cidina nabad ku daaqi mayso.

        Dadka walaalaha iyo dariska aan nahay ee reer gebilayna waxa aan leehay, walaalayaal ciidanka aminiga u dhiiba kuwa qas wadayaasha ah ee burburka u horseedi kara nabada iyo qranimada Soomaaliland. 

       Walaalaha reer awdal dhamaan waxaan uga tacsiyaynayaa ragii ku geeriyooday gacanta xaq darada ah. Eebana waxaan uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Aamiin. Falka halkaasi ka dhacay waa wax aan ahayn Islaamnimo, soomaalinimo, walaalnimo, Soomaalilandnimo iyo derisnimotoona, jidgooyo ama isbaaro inta loo dhigto dad aan hubaysnayn oo ganacsato masaakiin ah in qabiil dartii loo laayo, waa caado Soomaaliland ku cusub, wax magaratada waxaasi ku kacdayna dawlada ayaan uga fadhinaa xalkeeda.

       Waxa kale oo aan salaadiinta iyo shicibka reer awdal kula talinayaa mar walba in ay nabada dhawraan, dulqaad iyo samirna yeeshaan.

    Wabilaahi towfiiq.

    OTTAWA, ON.

    U-C/RASHIID U-ROOBLE U-DOODI

    One Response to “BAAQ NABADEED (UGAAS CABDIRASHID UGAAS ROOBLE UGAAS DOODI)”

    1. As wr wb

      aad iyo aad ayaan hadalka Ugaaska u soo dhawaynayaa, waxaan ku darayaa, inay reer awdal diyaar galoobaan oo cadawga ku soo duulay dhan uga soo wada jeestaan, xoogoodana tusaan wax ma garatada dhirbaaxada wax ku garata,

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: