SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumada oo Go’aamo kasoo Saartay Dagaalka Ceelbardaale

    Posted by Sawnews.tk on July 11, 2009

    news-iconBorama(Sawnews/Bnn)Xukuumada Somaliland ayaa manta Galinkii danbe soo saartay Go’aano ku wajahan dagaalada ka soo  cusboonaaday Deegaanda  Ceelbardaale.

    Qodobada ay Xukuumadu kasoo saartay Dagalka ayaa u dhignaa Sidan:-

    1-    In  dadkii  jid gooyada sameeyey la  soo  qabto  sharcigana la  horkeeno.

    2-    In  jiida  laga dhigo  meel  ay  ciidanku  ka hawl galaan kana  reeban wax hub ahna lagu dhex qaaden Bari ilaa Galbeed. In cidii lagu arko  is uruursi hubka laga qaadi doono  sharcigana la horkeeni doono.

    3-    In saxaafada masuuliyad darada samaysay   taalaabo deg deg ah laga qaadaa sharcigana  la  horkeenaa.

    4-     Taliyayaasha waxaa la farayaa in ay jiida geeyaan  ciidamo ku  filan  wax  hub ahna  oo aan lagu arag jiida  wax  hub  sita, Masuul kasta  oo  ciidan oo jiida ku sugan awaamiirta uu u fuliyaa sida ay yihiin.

    5-    cid kasta oo samaysa Falal, hadal,Qoraal iyo  wax kasta oo hurinaysa colaada in la horkeeno sharciga.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Labada Taliye Ciidan, (Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka) iyo Hay’adaha Sharciga, Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Jiidaasina waxa dhammaantood la farayaa inay Go’aamadaasi sidooda u fuliyaan.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: