SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Deg Deg Ah: Maydka Afartii Nin Ee Lagu Dilay Jidgooyadii Shalay Oo Goordhawayd Soo Gaadhay Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on July 11, 2009

    13.JPGBorama-(Sanews)-Abaaro 11:15 Habeenimo ee Saacada Borama ayaa Magaalada la soo gaadhsiiyay Maydka Afar qof oo lagu dilay jidgooyadii shalay ka dhacday inta wada u dhaxaysa Dila iyo Gebiley.

    Sida uu Lughayanews u xaqiijiyay Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ahaa Salaadiin maanta doontay soo qaadida Maydka Allaha u naxariistee 4ta Marxuum.

    Suldaan C/raxmaan Jaamac oo ka waramaya magacda Raga dhintay ayaa yidhi “ maydka aan wadnaa waa Afar oo kala ahl:-

    Marxuum Cali Bagaashle (Aadan Yoonis) Ganacsade
    Marxuum Daa’uud Xaashi ( Reer Faarax Nuur)  Engineer Mechanic
    Mawliid (Jibraacin)  Ganacsade
    Cali Aw Cumar ( Bahabar Cabdale)   Macalin

    Afartan Marxuum maydkooda waxaan ka soo qaadnay buqdhada Ceel-Bardaale Suldaanku isagoo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu sheegay in ay soo daayeen Saddex nin oo kale kuwaasi oo wakhti xaadirkan ku sugan Magaalada Dila, waxana uu intaasi daba dhigay inay jiraan Saddex nin oo kale oo ilaa iyo hada la’a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

    Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxa uu ugu baaqay dadka reer Boorama inay nabada dhowraan isla markaana ka foojignaadaan falkasta oo aargoosi u muuqan kara, waxana uu xusay in Cadaalada la horkeeni dooni intii falkan jidgooyada ah gaysatay, Waxana uu tacsi u diray dhamaan ehelada ay ka geeriyoodeen Afarta Marxuum ee maydkooda la keenay.

    Jawiga Magaalada ee wakhti xaadirkan ayaa ah mid kacsan Boqolaal baabuur ayaa soo galbiyay maydka Allaha u naxariistee Afarta Marxuum waxana ay dadku u balansan yihiin hadii eebe yidhaahdo Maalinta bari Aas Maamuus mudan oo Afarta Marxuum loogu aasi doono Xabaalaha Caro-qoolaab ee magaalada Borama.

     

    34.JPG

     

    23.JPG

     

     

     

    41.JPG

    53.JPG

     

    63.JPG

     

    71.JPG
    81.JPG
    92.JPG
    101.JPG

    Lughaya news


     

    One Response to “War Deg Deg Ah: Maydka Afartii Nin Ee Lagu Dilay Jidgooyadii Shalay Oo Goordhawayd Soo Gaadhay Magaalada Borama”

    1. Mawliiid said

      Amiiin Marxumada alah u naxariisto.samir iyo iman alah ka siiyo dadkooodi.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: