SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gawaadhida la Dhacay oo 10 Cagacageenaysa iyo Xalaada Borama oo aad u Kacsan

    Posted by Sawnews.tk on July 11, 2009

    news-iconBorama(Sawnews/Bnn)Saaka  subaxnimadii  hore  ayaa  waxaa  magaalada boorama lagu  waabiriistay  hadal  haynta Dagaalkii  ka  soo  cusboonaaday  Deegaanka  u dhexeeya Dila  iyo Gabiley ee Ceelbardaale.Waxa  kale  oo  ay  sheegayaan  warar ka  hordhaca ah  ee  ka  soo  baxaya  Jiida  Dagaalku  in  ay  si  badanayaan  Dhaawac iyo Dhac  Baabuurta  sida  gaadmada  ah loogu  gaysanayo  dadka  rayidka  ah  ee  isticmaalaya   wadada  u  dhaxaysa Borama iyo  Haragaysa. 

    sidoo  kale   waxaa   dhaawac loo  gaystay Ganacsade can  ah   oo  aad  looga  yaqaano  Magaalada  Borama iyo Guud  ahaan  S/lanba  oo magaciisa  layidhaahdo Cali Bagaashle, sidoo  kalena  waxaa la  dhacay  baabuur  uu  leeyahay ganacsadahani oo  isticmaalayey  wadada  u  dhaxaysa  Borama  iyo  Hargaysa. 

    Wararka ka imanaya jidka u dhaxeeya gabilay iyo borama ayaa sheegaya in ay kor u dhaafeen 10 baabuurta laga leeyahay magaalada boorama ee jid gooyada ay u geysteen ayna dhaceen beesha gabilay

    Magaalada  Borama  ayaa  saaka  si  aad  ah  u  hadal  haysa  dagaalkan  ka  soo  cusboonaaday  deegaanka  Ceelbardaale ,  waxaa  sidoo  kale  dadweynu  isla  dhexmarayaan wararka  sheegay in  dhac  loo  gaysanayo dadweynaha rayidka ah  ee  isticmaalaya wada  u  dhaxaysa  Borama iyo  Hargaysa. 

    Sidoo kale  waxaa  ay  dadweynaha  reer Borama  Dareen cadho leh  ka  muujiyeen  Dhac iyo Dhaawaca  loo  gaysanayo  dadweynaha  rayidka ah  ee  ku  socdaalaya  wada  isku xidha Borama iyo Hargaysa,  waxa  iyanuga   sidoo   kale  hakad galayey  I su  socodka  Magaalooyinka Borama iyo Hargaysa iyada  oo  laga  cabsi qabo  dhaca  iyo dhaawaca  loo  gaysanayo. 

    Isku  soo  wada  suuboo,   waxaa  dadweynaha  laga  dareemayaa  saansaan coladeed iyo  cabsi ay ka  qabaan  in  u  dagaalkani sii Balaadho  hadii  aan la  dhaxgalin, sidoo  kalena waxaa laga  dhareemayaaa Magaalooyinka Gabiley iyo Borama  Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ku  sii  socda Jiida Dagaalka.

    Kala soco sawnews.tk  waxii war soo kordha

     

     

     

    source Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: