SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Salaadiinta Gobolada Awdal Iyo Selal Oo Ku Tilmaamay Jidgooyadii Shalay Bilowga Xasuuq Cunsuriyad Huwan Oo Isir Tir-Tir Ah Uguna Baaqay In Waxa Dhacaya Laga Fiirsado

    Posted by Sawnews.tk on July 11, 2009

    news-iconBorama-(Sawnews) 10 ka mid ah Salaadiinta G/Awdal iyo Salal ayaa galabta baaq kulul ka soo saaray xiisada Budhcadnimada iyo Jidgooyada iskugu jirtay ee shalay ka dhacday wadada u dhaxaysa Borama iyo Hargeysa, Salaadiintan ayaa baaq u jeediyay mar ay ku kulmeen Hotel Rays ee magaalada Borama.

    Ugu horeyntii Suldaan Faarax Maxamuud Nuur oo ka hadlay ayaa ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “falka shalay dhacay Xasuuq, Cunsuriyad huwan, waxa shalay dhacay xidhiidh lama laha colaadii beeraha waana Xasuuq iyo jidgooyo lagu mijo xaabinayo nabada Somaliland, waa xasuuq cunsiriyad huwan oo ay Somaliland ku dumayso waxaan aan leeyahay inta ay khusayso ee nabada doonaysa iyadoo la is kaashanayo si deg deg ah nabada wax looga qabto isla markaana cidii falkan gaysatay sharciga hanala soo taago”.

    Suldaan Xasan Xadi (Baade) oo isaguna madashan ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “u hadli maayo sida ay qaar ka mid ah Salaadiinta beesha Isaaq u hadashay waxaanan leeyahay waxaan ogayn in ay beelaha isku haysteen reer Cumar Halas iyo reer Yoonis Xareed waxaanan la yaabanahay goorta ay isku badashay jidgooyo ka dhan ah umada reer Somaliland”.

    Mar uu ka waramayay Suldaan Baade go’aankii gudiga guurtidu hore uga soo saartay isla markaana noqday midka sabobay jidgooyada soo cusboonaatay ayaa waxa uu yidhi “ odhan maayo Guurti ee waxa ay ahayd Koox yar oo dhanay ah xukunkaasina kuma raacsanin ee nabada halkeeda haloo daayo fadhi labaadna ha la iskugu yimaado, Somaliland jiritaankeedana halkeeda haloo daayo cidii waxan bilowdayna iyada ayaa abaalkeeda heli, waxaanay arrintu noqonaysaa wax bilowday oo dheeraadaa oo soo noqod lahayn”.

    Suldaan Ibraahim Dacar oo isaguna halkan ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “Somaliland halkan ayaan ka bilownay, waxaanay ku timiday doonitaanka reer Awdal cida jidgooyada wadaana waxa ay ka xuntahay dowladnimada reer Awdal hadii ay Somaliland duntana Awdal ayay ku dambayn dowladnimadu, dilka maanta dhacayaa waxa uu soo bilaabmay October sanadii hore waxaana haboon in iyadoo loo dhan yahay wax laga qabto cida balada wada”.

    Suldaan Nuur Axmed Jibril (Nuur Dheere) oo isaguna ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “Anigu xog ogaal ayaan ahay oo meesha ay mashaqadu ka taagan tahay ayaan deganahay halkani ma’aha markii ugu horeysay ee ay wax ka dhacaan sanadkii1953 waa la isku laayay hal nin ayaana arrinta xaliyay maantana ummad dhan ayaa leh waan u maaro la’anahay ee ilaahay ha soo saaro cid kala joojisa, Dagaalkan cida ku dhimanaysa waa reer Maxamuud Nuur iyo Reer Xareed inta usoo gurmatay qof qof iyo Labo ayaa wax kaga noqonaya cid walbana meesha way ka tagi waxase loo baahan yahay in caqli fayow lagu fakiro, hore Madaxwayne Cigaal ayaa xiisada goobtan baajiyay xukuumada waxa looga baahan yahay inay xal keento oo aanay noqon mid jilicsan inta ergada galaysana waxaan leeyahay ergo Alla taqaana noqda hadaad reer noqotaana ogaada cid walba reer ayay noqon waxaanuu u tacsiyeeyey intii dhimatay”.

    Suldaan Yuusuf Dacar oo isaguna halkan ka hadlay ayaa yidhi “Waxa dhacay waa xasuuq loogu talo galay in lagu isir gooyo reer Awdal iyo Salal waxana ay sabobaysaa bur bur, nabadu way wanaagsan tahay hadiise nabada la waayo loo ooyi maayo jidka isku xidha Borama iyo Hargeysana waa laga tashan. Dadka ku dhaqan Awdal iyo Salalna waxa aan leeyahay daganaan Muujiya oo dhowra Naxasta inta idinla degan iyo inta Mustaafiriinta ahba. Waxa dhacay waa ficil foolxun hadii xukuumadu wax ka qaban waydo waa la is doondooni warkana warkale ayaa ka soo daba bixi, waxaanuu u tacsiyeeyey intii dhimatay”.

    Jiif Caaqil Dugsiiye Cumar Gadiid oo isaguna ka hadlay Shirkan Jaraa’id ayaa u tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “Kama hadlayo dhulka la isku haysto oo arrintiisa Somaliland ayaa xumaysay oo ergo dhinac ah usoo dirtay waxa aan ak hadlayaa jidgooyada dhacday waxaanan leeyahay waan ka xumahay hadiise ah dhacday Xadku waa Kala Baydh waana la kala guuri abaalka masiibadana waxa ay u noqon intii kicisay iyada oo huruda.

    Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo isaguna ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “ Nin Mayd u yaalaa ma aamuso waxaanse ka xumahay macno darada loo laayay Raga Mastaafuriinta ah, meeshan maanta la isku haystaana waa meeshii hurisay dagaaladii Sokeeye ee 80-tameeyadii goor wanaagsan ayaase nabad la qaatay oo Borama lagu heshiiyay maantana waxa muuqada in nabadii ay bukootay Awdalna Nabadii ay qaadatay cidhiidhi badan ayay ku qabtay Hadii Awdal la dayn waayo wax walba way daadanayaan, Somaliland inta nabada qaybsanina (Guurtida) xilkeedii kama soo bixin, xeer dhaqameedna waxa uu ahaan jiray in arrinta dhulka 12 geed hoostii lagaga arrimin karo hadii la isku afgaran waayo”.

    Caaqil Cali Cumar oo isaguna ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxaanu yidhi “ Arrin shaqsiyeed ayaa la reereeyey jidgooyada maanta dhacdayna sabobtay Guurtida ayaana ka masuul ah dowladnimada Somaliland inta ka shaqaysata ee ku nool shilinka nalaga qaado ayaa dhibka wada iyada ayaana ka masuul ah waxa dhacay”.

    Caaqil Muuse Cismaan  oo isaguna madashan ka hadlay ayaa tacsiyeeyey inta dhimatay waxana uu yidhi “Jidgooyadu dhaqan iyo xeer Islaamtoona kuma jiri jirin waana wax damiirku diidayo isla markaana na faraysa inaan dib u tashano masuuliyada waxa dhacay waxa  iska leh Guurtida nabadana waa loo wada baahan yahay hadiise lagu heshiin waayo Somaliland halagu kala tago”.

    Si kastaba ha ahaatee Salaadiin iyo Odaydhaqameedyadan soo saaray baaqan ayaa si toos ah ugu socodsiiyay Xukuumada, Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Nabaddoonada iyo inta wanaaga jecel Somaliland danaynaysa waxaana ay ugu baaqeen inay Faro galin deg deg ah arrintan ku sameeyeen.
     

    Wariye:-
    Abokor Hasan Affi

    One Response to “Salaadiinta Gobolada Awdal Iyo Selal Oo Ku Tilmaamay Jidgooyadii Shalay Bilowga Xasuuq Cunsuriyad Huwan Oo Isir Tir-Tir Ah Uguna Baaqay In Waxa Dhacaya Laga Fiirsado”

    1. SAMAWADE said

      Horta marka hore waxaan tacsi u dirayaa,dhamaan eheladii ay dakooda xaqdarada lagu laayay,mar labaad reer AWDAL iyo SELEL waxaan leeyahay dhexda adkaysta,arintani waa tii ay IIDOORLAANTU ku dumaysay.

      xiligeediibaana la gaadhay balaayana intay kaa maqan tahay qayrkaa bay ku maqan tahay IIDOOR na nabada iyo nimcaday xajisan karilaayihiin.markaas abaalkeeda way heli doonaan

      scw

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: