SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Deegaanka Ceel- bardaale iyo Dagaalka oo ku fiday deegaamo kale.

    Posted by Sawnews.tk on July 10, 2009

    goobtaBorama(Sawnews/Bnn)Dagaalkan oo ahaa mid qadhaadh oo si fool ka fool ah layskaga hor yimid , ayaa waxaa intaan ognahay ku geeriyooday sadex qof . dagaalkan oo sida ay sheegayaan warar xog ogaal  ahi in  ay soo qaadeen beesha dhinaca Gabilay ,

    Si aan arintaa wax uga ogaano ayaan Waxaan khadka telefanku kula xidhiidhnay caaqil jooga goobtaasi oo lagu magacaabo Caaqil Maxamed Barkhad Warsame.

    Caaqilka  mar aan wax ka waydiiyay guud ahaan dagaalka cida bilowday ayaa waxaa uu iguu jawabay in saaka subaxnimadii ay weerar ku soo qaadeen beeshaasi ayna dileen sadex qof  ay ku dileen iyagoo reerahooda jooga  ,

    Waxana  uu sheegay caaqilku in raga la dilay uu garanaayo mid kaliya magaciisa balse . aanu garanaynin inta kale magacyadooda

    Caaqilka mar aan wax kawaydiiyay dagaalku goorta uu joogsaday ayaa waxaa uu ii sheegay in ay cad ceedu u kala dhacday oo lays horfadhiyo , waxaa kale oo uu sheegay in deegaanaada uu kasocdaaa ay badanyihiin waxa ayna kala yihiin ( Kaxda ,Seemaal,   Isha-cobosha , Darka-burdi  iyo Gil-galool ).iyada oo aan la sheegi Karin khasaaraha dhabta ee dagaalka galbtu gaysatay .

    waxaa kale uu sheegay caaqilku in ay dagaalka kula jiraan ciidankii booliska aha ee halkaa joogay oo uu sheegay in ay xagooda kasoo jeedsadeen .waxana uu intaasi ku daray caaqilku in baabuur laga leeyahay boorama  loo joogsaday dhexda lagalana hadhay ragii la socday .

    waxaa kale aan  isku  daynay  inaan  la  xiriiro  dhanka  kale  ee  dalkaaga  laakiin  waa  noo  suurto  gali wayday.

    Isku soo wada duuboo waxaanan la garanaynin halka uu ku danbayn doono dagaalkan galbata dib uga qarxay deegaansi inuu sii socon doono iyo ikale , oo ilaahadan lays hor fadhiyo , layslana sugaayo inta ay cadceedu soo baxayso  

    boramanews

    Leave a comment