SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Deg Deg: Dagaal Ka bilawday Deegaanka Kaxda ee Ceelbardaale

    Posted by Sawnews.tk on July 10, 2009

    breaking%20newsCeelbardaale(Sawnews/Bnn) Dagaal Qadhaadh ayaa ka bilawday Deegaanka Kaxda oo ka tirsan dhulka lagu muransan yahay ee Ceelbardaale.
    Dagaalka ayaa ka bilawday kadib markii Dhinaca Beesha Gabiley niman kasoo jeeda ay dilayn Oday Sheekha oo Beertiisa jooga iyo gabadh xoola la joogta. kadibna uu Dagaalku isku rogay Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

    Dagaalka oo bilaabmay Abaaro Galabtii Maanta ayaa ilaaa hadaaya socda iyadoo aan wali lahayn Khasaaraha Dhabta ah ee uu geystay, Roobab Laxaad leh oo deegaankaas ka da’aya awgeed, waxana la sugayaa Dhaawacyada soo gaadha Cusbitaalada Borama iyo Gabiley.

    Dagaalka ayaa siday sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan goobta sii balaadhay kuna fiday deegaanu aanu markii hore ka bilaabmin,

    Dagaalkan ayaa kusoo beegmay Kulan shalay dhexmaray madaxwayne riyaale iyo Odayaasha deegaanka gabiley oo Natiijadii ka soo baxday kulankaasi keenay madmadaw fara badan oo shaki ku abuuray bulshada reer gabiley, wararka kale ee naga soo gaadhaya jiida hore ee dagaalka ayaa waxay sheegayaa in laba sahan oo kala socday deegaanada Gabiley iyo Awdal ay saaka fooda isku dareen halkaasi.

    Kala Soco Wararka Dagaalka  Sawnews iyo BNN oo Heegan kugu Ah Borama iyo Hargeysa.

    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: