SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Seddex Qof oo Ku Dhaawacmay Iska hor-Imaad Dhex Maray Booliska iyo Muruqmaalka Dekeda Berbera

    Posted by Sawnews.tk on July 10, 2009

    berberaBerbera(Sawnews)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay isk-hor-imaad dhexmaray ciidammada ammaanka ee dekeda Berbera iyo qaar ka mid ah shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka hawlgala dekeda. Iska hor-imaadkan oo bilaabmey gelinkii danbe ee maanta ayaa ka danbeeyey markii qaar ka mid ah shaaalaha muruq-maalka ee dekedu ay muujiyeen dareen cadho leh oo ka dhashay wax-ka-bedel iyo qaannuun cusub oo maamulka dekedu ku soo rogeen nidaamka shaqaalaha ee ka hawl-gala dekeda. Kaas oo ka cadhaysiiyey xammaaliinta loo yaqaan GEELE A,  oo qaab mudaharaad ku  muujiyey dareenka diidmada ah ee  ay arrinkan kaga soo hor jeedaan wadada ay ka baxaan gaadiidka xammuulka qaada , taasina ay sababatay inay isku dhacaan iyaga iyo illaalada dekeda oo rasaas aan loo kala aabo yeelin ooda kaga qaaday shaqaalihii cabanayey oo saddex ka mid ah uu dhaawac soo gaadhay laguna dawaynayo csibitaalka guud ee magaalada Berbera. “Iska hor-imaadku waxa uu ka dhashay markii maamulka dekedu wax ka bedeleen nidaamkii shaqo ee shaqaalaha muruq-maalka ka hawl-gala dekeda Berbera oo doonaya inay ku sii shaqeeyaan qaab isku duubni ah oo maamulka dekedu ku kala furayaan, waxaana dhacday in ciidammadu si arxan darro ah ay rasaas ugu fureen shaqaalaha oo dareenkooda ku muujiyey qaab mudaharaad, iyagoo xidhey albaabka ay ka baxaan gaadiidka xammuulka qaada” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dekeda oo ka cudurdaartay in la magacaabo.

     Murranka soo kala dhexgalay muruq-maalka dekeda iyo maamulka dekeda ee khasaaraha dhaliyey ayaa ka danbeeyey markii maamulka dekedu joojiyey shaqaalaha loo yaqaan “BADLIGA” oo ah qaab xammaaliinta rasmiga ah ee ka hawlgasha dekedu marka ay doonaan ay qof kale intay shaqadooda qayb ka mid ah ku wareeijyaan, ka dibna la qaybsadaan lacagta ka soo baxda. Taas oo maamulka dekedu joojiyeen kuna war-geliyeen In immika wixii ka danbeeya aan la ogolayn, qofkii shaqaysanayaa uu si joogto ah u shaqaysto, kii ka daalana aan laga ogolaananyn inuu cid kale keeno.

    Masuulliyiinta dekeda Berbera oo aanu isku dayney in aanu wax ka weydiino dhacdadan ayaanay noo suurtagelin telefoonadooda oo xidhnaa awgeed. Haseyeeshee Maaraay-ku-xigeenka Dekeda Bille Xirsi, ayaa wax-ka-bedelka cusub shalay ka sheegay, isagoo dekeda ku sugan mar uu ka hadlayey markab sida mucaawimmo u socda Itoobiya oo marsada ku soo xidhey. Mar uu ka hadlayey arrinta isbededelkan cusub ee maamul ahaan ay sammeeyeen waxa uu yidhi, “Waxaan joojiney wixii la odhan jirey BADLI; waa nimanka dadka boosaska lihi oo intay qof kale shaqada u diraan lacagta la qaybsada. Waxaan soo dejiney ninka booska lihi inuu shaqaysto marka uu daallano ninkii kale ee shaqo doonayaa uu soo galo, sharcigaas ayaanu sammayney.” Ayuu yidhi Maareeye-ku-xigeenka Dekeda Berbera

    Ilaa hadda ma cadda inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay saddexda nin ee muruq-maalka ah, bale weriye ka tirsan shebekada Berberanews oo isku dayey inuu booqdo cisbitaalka lagu war-geliyey inaan loo ogolayn cid u gasha, marka laga reebo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha cisbitaalka mooyee. Iyadoo weliba maamulka cisbitaalku si cad u diideen inay bixiyaan magacyada dhibanayaasha, taas oo loo aanaynayo cadaadid iyo caga-jugleyn kaga timi dhinaca maamulka dekeda Berbera oo la sheegay inay isku dayayaan inay asturaan baaxadda khasaaraha ka dhasahay iska-hor-imaadka

    Source: Berberanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: