SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Itoobiya oo Balan Qaaday inay iibsan Doonto Waxsoosaarka Warshadaha Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on July 10, 2009

    ethosomalHargeysa(Sawnews/Bnn)- Dowlada Federalka Itoobiya ayaa ku balan qaaday in Wax soosaarka Warshadaha Somaliland ay u furi Doonto Suuqeeda, balan qaadka Dowlada Itoobiya ayaa ka dambeyey Safar Dhawr Wasiiro iyo Maareeyaha Dekeda Berbera ay ku tagayn Magaalo Madaxda Itoobiya ee Adis Ababa.

    Weftigii Xukuumada Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Somaliland, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal qaatay muddo afar cisho ah oo ay ku tageen dalka Itoobiya, oo ay saraakiisha dalkaasi kala xaajoonayeen sidii loo dhammaystiri lahaa mashaariic iskaashi oo labada wadan ay hore ugu heshiiyeen.

    Weftigan waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, Maareeyaha Dekada Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo Maareeye ku Xigeenka Hay’ada wadooyinka Somaliland ee SRA, Eng. Xuseen Cabdi Cali, ayaa galabta ka soo degay gegada caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa.

    Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay masuuliyiinta dawlada Itoobiya kala hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa fulinta heshiis iskaashi oo ay labada wadan hore u kala saxeexdeen oo ay ka mid ahayd dhismaha wadada isku xidha Berbera iyo Itoobiya iyo mashruuc kale oo la xidhiidha horumarinta dekada Berbera iyo madaarada Somaliland.

    Wasiirku wuxuu tilmaamay inay la kulmeen Wasiirada dhigooda ah oo ay kala hadleen arrimahan, isla markaana ay isku af-garteen in mashaariicdan si loo bilaabo qeybtooda hore bil ka dib labada dhinac iskaga yimaadaan.

    Md. Sulub wuxuu sheegay in dawlada itoobiya ay sheegtay inay deeq-bixiyeyaasha ka codsan doonto dhaqaale kor loogu qaado tayayada adeegyada dekada Berbera.

    “Waxa kale oo aanu la kulanay Wasiirka Ganacsiga iyo wershadaha waxaanu balan qaaday in Itoobiya dalkeeda loo iib geeyo wax-soosaarka wershada Somaliland sida kalluunka, milixda iyo Taydha oo kale. ”Ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland

     

    source Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: