SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Salaad Roob-doon ah oo Saaka lagu Tukaday Borama (Daawo Sawirada)

    Posted by Sawnews.tk on July 9, 2009

    DSC06214Borama(Sawnews/Bnn)-Saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayaa waxaa loo dareeray  salaada roob-doon ah Kaasi oo lays kugu yimid garoonka wayn ee kubada cagta ee Xassan Sh. Muumin.
    Salaadan oo ay saaka kasoo qayb galeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta Dawlada ee heer  Gobol iyo Degmo.


    Sidoo kale waxaa sadexdii  maalmood ee u danbeeyay magaaladu soomanayd roob-doon awgeed  laga bilaabo maalintii salaasadii ilaa maantadan aynu joogno oo dadku badi soomanaayeen.

    Taasina waxay ka danbaysay marki uu sheekhul-baladku waa Sheekh cabdilaahi Sheekh cali jawharee uu Iclaamiyaay  in saalaad roob-doonta ah la tukan doono  iyo  in la soomi doono  sadex  maalmood.

    Saaka ayaa  boqolaal dad  ah oo isku jira  rag  iyo dumar ka  so  qayb galeen  saladii  Roob-doonta, oo  ahayd  abid dad intaa leeki isugu soo baxaaan salaad roob-doon ah. garoonka oo aydadku buux dhaafsheen ayaa waxaa halkaasi hadalo wacdi ah iyo wax sheeg ubadan oo wadaadadu inta badan ka sheegayeen, ku waasi oo u sobobaynayay roob la’aantan  ku habsantay dhamaan gobolada Somaliland in uu batay fusuqii iyo arxan la’aan dadka dhexdiisa ah  taasina ay cadho ilaahay ku timid.

    Si kastiba ha ahaatee,  dadku inta badan saaka waxa ay badinayeen istiqfaarta , dhamaana dadka wajiyadooda waxaa ka muuqday khushuuc walaw ay saaka dhacaysay dabayl aad u xoog badan oo siiga xoog leh ka kicinaysay Garoonka lakin dadku  u ma muuqan siigadu ee  waa  khushuucsanaayeen.

    Qaar  ka mid ah dhalinyardii  ka  soo  qayb gashay  salaadan roob-doonta  oo  aan  wax  ka  waydiinay  siigada hadhaysay Garoonka ay sheegeen in ay  kawayn tahay  danta ay  meeshe u yimadeen  waana si ilaahay noogu naxariisto oo uu roob nuugu liso.

    Iskusoo wada duubo manta xiligan xiligiisii ayaa markaad jogto garoonka  ayaa waxay indhahaagu qabanyeen beeraha oo si fiican ubaxay dhulkuna uu ahaa mid cagaara , saakana markaad eegto hareerahaaga waxay ishaadu qabanaysay caro cas iyo siiggo , oo uuna jirin wax dalag ah oo soo baxay. Dadka intoodabadani waa quus waayo ma helaysid beer kaliya oo soo baxday ama biqishay, taasina waxa ay kugu beeraysaa murugo waayo dad noloshoodu waxay ku xidhantahay beeraha iyo xoolaha .DSC06226DSC06214DSC06229DSC06214DSC06215DSC06217DSC06222DSC06219

     

     

    Source  Borama News

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: