SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • W.Arrimaha Gudaha oo Sheegay in Si Deg Deg ah uga Jawaabayaan Arrinta Ceelbardaale

    Posted by Sawnews.tk on July 8, 2009

    wasiirka-arrgudahaHargeysa (Sawnews/Bnn)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil (Cirro), ayaa daboolka ka qaaday in ay si dhakhso ah u soo afjarayaan shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhex martay dhulka deegaannada Ceelbardaale iyo ruqay, ee u dhaxaysa gobolada Gabilay iyo Awdal.

     

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuu sidaasi ka sheegay warbixin uu ka jeediyay Idaacada Radio Harggeysa ee dawladu gacanta ku hayso.

    Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay inay nabad ku wada noolaadaan beelihii hore colaadu ugu dhex martay dhulka degaanka Ceel-bardaale iyo ruqay. Waxaanu ku adkaystay in xukuumaddu balanqaadayso in qof kastaa xaqiisa heli doono.

    “Wasaaradda arrimaha guduhu waxay ogaysiinaysaa darafyadii ay khusaysay inay si deg deg ah u dhex galayso dhulkii hore shaqaaqadu uga dhacday guurtiduna dhex gashay, waxaananu balan qaadaynaa inuu qof kastaaba xaqiisa heli doono, si deg-deg ah ayaananu hawshaa u faro galinaynaa iyadoo aanu imikaba bilownay.Waxaan ogaysiinayaa dadweynaha walaalaha ah ee wada degan deegaankaasi in nabada, wada noolaashaha iyo wadajirka labada darafba ilaaliyaan,”Ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Cirro.

    Wasiirka Daakhiligu muu sheegin in ay fulinayaan xukunkii Guurtida iyo in kale.

    source

    Bnn

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: