SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiyada Somaliland Oo Deeqbixiyeyaasha Hortooda Ku Saxeexaya Xeer-anshaxeedkii Doorashada.

    Posted by Sawnews.tk on July 6, 2009

    election of somalilandHargeysa(Sawnews) Saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa Barri la filayaa in qalinka ay ku duugaan xeer anshaxeedka (Codeof condunt) lagu dhaqayo doorashooyinka ee ay ku hawlgalayaan guddida kormeerka iyo anshaxa ee dusha kala soconaya arrimaha doorashooyinka, ka dib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayeen qoddobada xeerkan.

    Saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, ayaa xeerkan ku saxeexi doona maanta kulan ay goob joog ka ahaayeen deeq bixiyayaasha caalamiga ah, oo laga qaban doono xarunta komishanka.

    Xisbiyada iyo komishanka doorashooyinku waxay maanta  yeesheen shir albaabadu u xidhnaayeen oo lagaga doodayay qodobada xeerkan.

    Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo saxaafadu shirkaasi ka dib wax ka weydiisay waxyaabaha shirkooda ka soo baxay waxaanu yidhi “Shalay maanta ayaan ka niyad wanaagsan nahay waayo waxaanu ku soo dhawaanay xaqiiqdii kama dambaysta ahayd, balse heshiis buuxa wali ma aanu gaadhin, waxa jira meelo yaryar oo aan ka soo baaraan degayno waxaan filayaa in aanu (barri) maanta wax kala saxeexan doono. Qorshe ay soo diyaariyeen laba xisbi mucaarid ayaanu ka wada hadlaynay in aanu wax ka bedelo ama wax ku kordhino.”

    Md. Jaamac Yaasiin wuxuu xusay in xisbi ahaan aanay la iman doonin wax doorashada dib u dhigi kara inay ku qabsoonto 27-kii September ee loo cayimay.

    Dhinaca kale, guddoomiyaha guddida diiwaangelinta codbixiyayaasha isla markaana ah xubin ka tirsan komishanka doorashooyinka Md. Ismaaciil Muuse Nuur, oo aanu wax ka weydiinay shirkan ayaa yidhi “Xeerkii anshaxu meel fiican ayuu marayaa xadxadyar ayuunbaa hadhay.”

    ‘Server-ka waxaanu idiin sheegnay in badan deeqbixiyayaasha iyo hay’ada Inter-Peace ayaa ku shuqul leh, komishanka doorashooyinku shuqul kuma laha, khabiir baa barri imanaya dalka, warbixin iyo farsamo ahaan halka Server-ku marayo xisbiyada ayuu uga waramayaa,” ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muuse,” waxaanu intaasi ku daray, “Server-ka arrintiisa waxa imika loo soo qoray nin Maraykan ah, oo ah ragga cilmiga Sever-ka ugu xariifsan ah markaa wax welwel ahi kama jiro.

     

    Dhinaca kale, musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan Sh. Xasan oo ku hadlayay magaca axsaabta mucaaridka ah ayaa sheegay in saddexda xisbi qaran ay ka wada hadlayeen sidii iskugu raaci lahaa xeerka anshaxa iyo guddida dusha ka maamulaysa anshaxa doorashada, waxaanu yidhi “Geedi socodkii doorashadu meel wanaagsan ayuu inoo marayaa barri ayaa loo balansan yahay la saxeexi doonaa, deeqbixiyayaashiina way imanaaan.”

     

     

     

    Source Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: