SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koomishanka Doorashooyinka oo Ku Dhawaaqay in Doorashadu Xiligeeda ku Dhacayso

    Posted by Sawnews.tk on July 6, 2009

    electionHargeysa(Sawnews/Bnn)-Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay doorashadu ku dhacayso xiligii loo mudeeyay iyada oo ay jiraan laba caqabadood oo ilaa hada aan iyaga khusayn wax ka qabashadoodu.

    Gudida oo maanta kulan la yeeshay mudanayaasha Golaha Guurtida oo hore uga codsaday inay Golaha yimaadaan si wax looga weydiiyo hawsha ay qaranka u hayaan ee la xidhiidha dhinaca doorashooyink,Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Md Jaamac Maxa’ud Cumar ayaa sheegay in aanay ilaa hada ka hadli karin laba arimood oo qabashada doorashada la xidhiidha kuwaas oo kala ah Dhaqaalihii ku xidhnaa deeq bixiyayaasha iyo Serverka oo Gacanta ugu jira Hay’ada Inter-Peace,

    Balse hadii maalmahan ay ka waayaan wax rajo ah labadan arimood ay noqonayso in somaliland iyadu isku tashato si doorashadu u qabsoonto xiligii loo mudeeyay Dhaqaalaha ayaa ugu muhiimsan oo hadii ay bixin waayaan deeq bixiyayaashu waxanu ka rabnaa Dawlada inay iyadu keento]ayuu yidhi Md Jamac.

    Khudabdihii Gudoomiyaha Guurtida,Gudoomiye Xigeenka Komishanka iyo Jawaabaha Su’aalo la weydiiyey Komishanka dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa hadii Alle Ogolaado.

    Hadalka Koomishanka ayaa kusoo beegmay iyadoo la shaaciyey in Dalka Imanayaaan Khubaro Maraykan ah oo ka shaqayn siin doona Serverka kala Shaandheenaya dadka is diiwaangaliyey,

    Cabdi Xasan
    Bnn-Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: