SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir sanadeedkii ururka ARDAA oo ku dhamaaday guul +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on July 5, 2009

    070_70Ottawa(Sawnews.tk) Shirsanadeedkii ururka ARDAA ee sadexdii casho ee inasoo dhaafay ka socday magaalada Ottawa ee cariga kanada ayaa waxa la sheegay inuu guul ku dhamaaday isla markaana dad aad u tiro badan oo iskugu jira dhamaan xubnaha ururka ARDAA ka kooban yahay iyo marti sharaf kale oo farabadan oo iyagu iskaga kala yimid wadamada Maraykanka, Ingiriiska, iyo wadanka Canada oo marti qaadka shirka isagu lahaa.

    Shirka sanadkan ayaa waxa loo agaasimay heer caalami iyadoo mudo dheer xubnaha gudiga ururka u qaabilsan qabanqaabinta shirku ay ku hawlaayeen isku dubo ridka shirka iyo u gogol xaadhka sidii loogu babac dhigi lahaa boqolaalka qof ee ka soo qayb galay shirka oo noqday tiro aan horey loo filayn inay kasoo qayb galaan.015_15

    Shirka ayaa maalintii ugu horeysay ee bishan Luulyo ahayd 2 ahaa maalin isbarasho iyo wada cashayn ay gees gees u kulmayeen xumbaha ka soo qayb galay shirku isla maalintii 3aad ee bishan luulyo ayaa si rasmi ah loo furay dadweynaha kasoo qayb galay shirkuna ay kusoo qulquleen madaasha shirku ka dhacay ee ku taala farasmagaalaha magaalada Ottawa. Golaha dhexe ee ururka ARDAA oo ka kooban 660 xubnood oo ka kala yimid 11 gobol oo ka tirsan wadanka maraykanka iyo Canada ayaa bishan 3deedi iskugu yimid kulan gaar ah oo ay ku saabsabaa sidii loo ansixin lahaa shuruucda ururka u dajisan, waxana isla maalintaa loo qaaday cod gacan taag ah sidii loo taabo galin lahaa ku dhaqanka shuruucda ururka ARDAA oo si aqalabiyad ah dhamaan ergooyinka ururku isku raceen sidii loo ansixin lahaa.018_18

    Sidoo kale waxa isla maalintaa ergooyinka ururku isku raceen ansixinta xubnaha cusub ee kusoo biirey ururka ARDAA. Sidoo kale waxa uu shirku isku raacay Jaan-goynta geedi socodka hawlaha mustaqbalka ee ururka ARDAA horyaal .
    Waxaa uu golaha dhexe ee ururka ARDAA ay intaa ka dib dhagaysteen warbixin sanaddeedkii ururka qaybihiisa kala duwan waxana ka hadlay oo laga dhagaystay warbixinta ugu horayn khadra Maxamed barkhad oo ka hadashay MAT ( Member-At -Large ) waxana isna halkaasi golahu oo warbixin ka dhagaystay Idirs Cabdi Faarax oo ka hadlay ( Public Relation and Communication) xidhiidhka iyo isgaadhsiinta ururka.
    Markii ay soo dhamaatay dhagaygaysigaa waxaa halkaasi ka hadlay waxgaradka reer ADAL . culuma-udiin, aqoon yahayno, iyo waxgarad kale. Waxa ugu horayn ka hadlay Sh. Maxamed Xuseen haddi oo arimo badan oo isku jira waano duco iyo wacdiba ka akhriyay shirkaasi, waxaa isna halkaasi 157_157ka hadlay Gudoomiyah ururka ARDAA Ibraahim Cabsiiye kana warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu ururku soo maray intii uu jiray.
    Waxa loo gudbay qayb kale oo ah workshops ama tababaro ku saabsan hawlaha u hor yaal ururka iyo sidii xubnahay ururku iskula jaan qadi lahayeen.

     

     

     

     

    108_108

    adal13adal12adal10adal9adal7adal6adal5adal2

    SAWNEWS DESK

     Ottawa Canada

    daawo sawiro kale ..

    One Response to “Shir sanadeedkii ururka ARDAA oo ku dhamaaday guul +Sawiro”

    1. Asc Mashaa alaah Indhuhu Waxay U Bogaan Bildhaan Kulankaaga Iyo boqortooyo nooleyntaada Mashaa alaaah , Waxaana Leeyahay Libaax Haduu Seexdo oo uu soo Tooso Waa Libaaxii Uun Samaroona Hadu seexday oo uu hada kacayo waa libaaxii uun, Bisadina Haday seexato Oo ay toosto Waa bisadii uun is badal ma leh markaa waxaan idin leenahay hanbalyo Waayeel Horaa Yidh, Kancaan iyo Nabruud Bay Hortaaa Kado, Ka tuureene. Karti Iyo Garaad Gadabuursi Lagu Karaameee , Ana waxaan Ku lifaaqey Samaroonka Miiyeysan, ee meel waliba jooga , ee magac weynlee, rabigay faro ku maasheeyey, ee tiro malyuun iyo milyaar, moordan kor u dhaafey, waa u macno la,aan , iney Qayrkooda Magansadaaan, Waxa Waliba Waxay Leeyihiin Ku Dayasho Boqol Duqay iyo Dhalinyaro Haraad Qaba Ayaa Kulankiina ku diirsanayaa Waxaana Ilaahay Idiinka Rajeynaynaaa Kulankiina Kulan Siman Kulan Loo Dhan Yahay Kulan Hore Mar Keena Waar Hadhow Samaroonku haba is dileee waar waxa aan noqono marka hore, Marti baan Reer U nahay, aan Gobonimo u dhalan Dhilo iyo daba la meera, Adigoo Muslina oo Gadabuursiya Oo kacaankii Muslinkee Geeska Afrika Ah, Naaquska Maxaa Kuugu Wacan, Bortuqal iyo spain iyo chinaha, Abtirsiintaada yaqaaan Ee waxaan ilaahay idiinka Baryayaa Inaad Unug Khayr leh aad Abuurtaan Hore Mar iyo Isku Xidhnaansho Leh Wabilaahi Towfiiq

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: