SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Urur Beereedka ADO Ee Maxalliga Ah Oo Sheegay Inay Sannadkan Abaaro Haysta Beeraleyda Degaanka Boorama Siin Kari Waayeen Shinidii Iyo Taageradii Qodaalka Beeraha ,Dadkuna U Baahanyahay Cunto Gargaar Ah

    Posted by Sawnews.tk on July 3, 2009

    kulanka-beeralayda-iyo-wakiilka-ado.jpgBoorama-(Sawnews)-Sarkaal ka tirsan  mid ka mid ah ururada maxaliga ee ka  shaqeeya horumarinta beeraha Somaliland  ADO ayaa sheegay inuu ururkaasi sannadkan beereleyda degaanka Boorama siin kari waayey shinidii iyo qalabkii qodaalka beeraha ee uu ku taakuleyn jiray beerleyda  wakhti roobaadka, dadkaasina ayhaatan haysato baahi dhinaca cuntada ah .

    wakiilka-hayada-ado-gawdal-xasan-xuseen-nuur.jpg

    Xasan Xuseen Nuur ahna wakiilka ama madaxa  Ururkaasi ADO ee G/Awdal ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la yeeshay beereleyda degaanka la yidhi Sogsogley oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Boorama una dhaw xadka Itoobiya isagoo beeraleydaasi u  sheegay oo kale in waxa qudha ee ay sannadkan  beeraleyda u qaban karaani tahay  xidhitaanka beeraha loo xidhayo biyaha hadii ay roobabku u bilowdaan  si looga ilaaliyo nabaadguurka, isagoo intaa ku daray in sanadkani yahay kii ugu  xumaa ee weli soo mara beereleyda degaanka Boorama iyadoo abaaraha iyo roob la’aanta haatan taagani haddii ay sii socoto ay abaartaasi galaafan doonto noolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan dhulka beeraha .

    kulanka-beeralayda-iyo-wakiilka-ado.jpg

    Hadalka wakiilka ADO ee G/Awdal ayaa sidoo kale kusoo beegmay wakhti uu beerladeyda degaankaasi  ADO ka bilowday xidhitaanka biyaha iyadoo  ururkaasi uu cagafcagafyada baldooserada ah usoo kireeyey si loo qabto biyaha dhaafaya beerahaasi, waxana uu intaa raaciyey in  hawshii ay ku talogaleen ee xidhitaanka dhulbeereedka biyaha loo xidhayo ahayd ay soo foodsaartay oo kale dhibaato kale oo ka dhalatay dhulbeereeedkaasi oo baabiyeen dadka roobabku isla markaana  ay dooxyo ka abuurmeen dhulkii beeraha ahaa taasina ay keentay in halkii ay maalintii biyaha u xidhi lahaayeen ku dhawaad shan beerood  aanu itaalkoodu dhaafi karin laba ilaa saddex beerood, isagoo dhinaca kalena sheegay in muranka ka taagan dhulbeereedkaasi oo qaar ka mid ahi isku haystaan  soohdimaha beeraha iyo lahaanshaha beerahaasi ay iyaduna dib usii riixayso hawshaasi durbana  beero lagu muransan yahay ka faa’iideysan waayeen  xidhitaanka beeraha.

    dhulbeereedyada-loo-xidhayo-biyaha.jpg

    Inkastoo roobabka aan sidaa u badnayni shalay ka da’een degaanka Boorama balse roobabkaasi maaha kuwa dhulka qalalan degdeg ugu soo celin karaya qoyaankii lagu falan lahaa  beerahaasi.

    dhulbeereedka-googoay.jpg

    Ururka ADO xaruntiisuna tahay magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegaa mid ka mid ah ururada maxalliga ah ee guud ahaanba gobolada Somaliland ka shaqeeya horumarinta beeraha iyo degaanka isagoo la aasaasay 1996dii.

     

     

     

    Wariye:-
    Maxamed Cumar Sh.(Hyena)

     

    lughaya

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: