SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Sida ay uga Gaashaamanayso Cudurka Hargab-Doofaarka

    Posted by Sawnews.tk on July 3, 2009

    swine%20flu%203Hargeysa (Sawnews)  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi Haybe Maxamed oo shalay Shir Jaraa’id oo ay ku weheliyeen Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Hargeysa u fadhiya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Wasiirku shirkan kaga waramay Xanuunka Hargab-Doofaarka, Calaamadaha lagu garto iyo sida ay Xukuumad ahaan uga gaashaanteen ama ugu diyaar garoobeen haddiiba cid uu ku dhacay lagu arko Somaliland.
    “Cudurka la yidhaahdo hargab Doofaarka inta la ogyahay hadda soo gaadhay qaar ka mid ah wadamada Jaarka inala ah sida Itoobiya iyo Kiiniya, oo tirada uu ku dhacay dunida ay imika marayso 7893 qof, dhimashadiisa ilaa hadda la xaqiijiyay waa 311 qof. Marka aad eegto Goboladeena inta ay Gobolka Galbeedka Milateeriyaanka, inta uu ku dhacay waa 313, dhimashana malaha Gobolka aynu ka midka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi Haybe.
    Wasiir Cabdi Haybe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu maanta shirkan nagala soo qaybgalay Hay’addda Caafimaadka Adduunka WHO, taasoo markii ugu horeysey ee cudurkan dunida lagu arkay aanu ka codsanay inay Shaqaalaha Laababka Somaliland iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadkaba tababbar xanuunkaas ku saabsan ay soo siiso, Shaqaalahaasi tababbarkaas way soo qaateen, Macluumaadka sidii loo baadhi lahaa iyo sidii looga hortagi lahaaba waanu haynaa, WHO-na dawadii la siinayay dadka lagu arko ama cudurkaas loo isticmaalayay way keentay oo way inoo taalaa.”
    “Inkasta oo marka Imika uu xanuunku qofka haleelo aanaan haynin Laabkii lagu baadhi lahaa, laakiin aanu dirayno calaamadaha qofka, laakiin waanu rajaynaynaa oo waanu sugaynaa in sida ugu dhakhsaha badan uu noogu yimaaddo Laabka lagu baadhi karo qofka xanuunku ku dhaco. Innagu Somaliland ahaan waxaynu xuduud la leenahay dhawr wadan, Siyaasad ahaanna Wasaaraddu waxay samaysay Guddi la socota hadba xaaladda iyo inta uu inoo jiro Cudurkani. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Caafimaadka, WHO, Wasaaradda Duulist iyo Hawada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Booliska iyo Dekadaha, Xuduudaha sidii looga hortagi lahaa dhammaan cidda dalka diyaarad ku imanaysa, cidda gaadhi ku soo galaysa, cidda Dekad ka soo galaysa iyo cid kasta oo xanuunkaas looga shakiyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Anwar Maxamed Cige, oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay calaamadaha lagu garan karo Cudurka Hargab-Doofaarka iyo sidoo kale qaabka look ala qaadi karo ama qofka qabaa uu cid aan qabin ugu gudbin karo. “Waxa lagu garan karaa xanuunkaas oo uu leeyahay Xumad fara badan, Cuna-xanuun, Shuban iyo Matag, waana xanuun sambabada ku dhaca, kana xumad badan Hargabkii caadiga ahaa ee aynu naqaanay.
    Waxyaabaha lagu kala qaadana waxa ka mid ah, Salaanta, Dhunkashada, Neefta, hal weel oo wax lagu wado cuno, qufaca, taabashada iyo wixii la mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Anwar. Waxaanu Agaasimuhu.
    Sidoo kale, waxa shirkaa Jaraa’id ka hadashay Aasiya Cismaan oo Madax ka ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa sheegtay in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo HWO ay iska kaashadeen sidii dad gaar ah loogu soo tababari lahaa, isla markaana looga diyaargaroobi lahaa wax kasta oo lagaga hortagi karo ama wax lagaga qaban karo cidda xanuunkaa lagu arko.
    “29-kii bisha June dadka uu saameeyay waxay marayeen 7893, 311 ayaa dhintay, dalalka Gobolo ayaa loo qaybiyay, Gobolkan aynu ka tirsanahay oo la yidhaahdo Galbeedka Millatareeniyaanka 313 ayuu 29-kii June marayay, cid u dhimatayna ma jirto. Waxaanu xanuunkani ka yimi Doofaarka, ka dib dadkii ayuu u soo gudbay, sidoo kale waa xanuun si fudud loo kala qaado oo calaamadahaa uu Agaasimuhu sheegay ayaa lagu kala qaadaa.” Sidaa ayay tidhi Madaxa Xafiiska Hay’adda WHO Hargeysa Aasiya Cismaan.
    Aasiya waxay intaa ku dartay in Hay’ad ahaan ay diyaar u yihiin taageerada iyo wax ka qabashada talaabo kasto oo xanuunkaa lagaga hortagi karo ama lagu dawayn karo, taasoo ay kala hawlgalayso Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.
    Gebagabadii waxay Masuuliyiintan Shirka Jaraa’id ka hadlay, u soo jeediyeen Saxaafadda inaan la buunbuunin xanuunka Duriga Doofaarka, si aan bulshada kalsoonidu uga lumen, isla markaana ay si aan argagax lahayn u fahansiiyaan dhibaatada xanuunkaas, sida lagu qaadi karo iyo qaabka looga badbaadi karo intaba. Waa markii ugu horeysay ee Somaliland sidan oo kale loogaga hadlo Xanuunka Hargab-Doofaarka oo dunida aad ugu sii fidaya.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: