SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dugsiga Tababarka Xirfadaha ee HAVOYOCO Boorama

    Posted by Sawnews.tk on July 2, 2009

    havayocoBoorama(Sawnews)Hayada wadaniga ah ee havoyoco waxay kuleedahay magaalada Boorama dugsi lagu barto xirfadaha kaladuwan sida nijaarista , Wastaadista , barashda xirfada korontada iyo barashada computerka iyo maaraynta xafiisyada. Waxaana waxkabarta arday tiradoodu dhantahay 120 qof oo iskugu jira rag iyo dumar , kuwaasi oo loogu talo galay in ay wakhti kooban kaga qalinjabiyaan dugsigan si ay ugu shaqo tagaan xirfadahan oo aan hada kahor kajirin magaalada hadaba dugsigan ayaa waxa maalgalisa hayad qaramada midoobay ugu qaabilsan qoxootiyada ee UNHCR,

    Mashruucan oo loogu talo galay da,a yarta ku baro kacday dalka gu dihiisa iyo qoysaska aan u awoodi karayn ubadkooda in ay ka bixiyaan school fee da waxa ka faaiidaystay tan iyo wakhtigii la aas aasay arday lagu qiyaasay

    Dugsigu waxa uu ku yaalaa galbeedka magaalada Boorama waxaanu u dhowyahay gegida diyaaradahu ka haadaan ee magaalada Boorame halkaasi oo ardayda inamada ay ku tagaan lug halka gabdhaha ay raacaan bas loogutalo galayiyda oo iskuulku u jira magaalada Boorama uguyaraan 6km

    Dugsigu waxa uu ka kooban yahay afar qay bood oo waawayn qaybaha Elettriga , wastaadista iyo nijaarista waxaa loogu talo galay oo ka faa iidaysta inta badan wiilasha halka ay gabdhuhu ka bartaan computerka iyo maaraynta xaffiisyada

    Mashruucan tababarka xirfadaha waa mashruucbalaadhan oo midho dhal ah kaasi oo ay maalgaliso hayada UNHCR iyada oo ay fuliso hayada wadaniga ah ee HAVOYOCO
    Ujeedada mashruucan oo ah in in lagu xoojiyo awooda iyoxifadaha da;yarta kasoojeeda qoysaska saboolka ah ,qoxootiga kubaarakacay dalka gu dihiisa iyo qoxootga lagu sooceliyay dalka si ay ugu shaqaystaan

    Dugsiga tababarka xirfadaha waxa laga hirgaliyay magaalada Boorama laga hirgaliyay

    Sanadku markuu ahaa 2006dii tan iyo markaasi waxa ka qalinjabiyay arday farabadan kuwaasioo lagu qiyaas 285 arday kuwaasi bartay xirfado ay maanta ku shaqaystaan ku sida wastaadnimo , nijaarnimo, barashada laydhka iyo coputerka & maaraynta xafiisyada

    Sida ay sheegeen masuuliyiinta dugsigaasi ardayda waxkabaratay qaybta korontada waxa ay ka shaqaystaan shirkadaha laydhka waxaana bishii april ee sanadkan ay qaateen ooshaqaale ay ka dhigeen ugu yaraan 10 arday oo waxkubartay dugsiga kuwaasi oo mushaarkoodu u dhexeeyo 100 ilaa 230 $

    Marka la eego ardayda ka qalinjabisay qaybta nijaarista iyo wastaadista ee dugsiga havoyoco waxa ay ka xoogsadaan magaalada iyga oo maalintii hela 15$ maalintii

    Qaybta gabdhaha ee dugsigaasi oo kadan baysay hirgalinteetu kuwa kale waxa labilaabay sanadkii 2008dii waxaana ka qalinjabiyay oo bartay xirfada computerka iyomaaraynta xafiisyada kooxdii ugu horaysay oo tiradoodu dhanayd 32 gabdhood
    Waxay qaarkood awoodeen in ay samaystaan ururo iyada oo qaarkoodna ay ka hawlgaleen xafiisyada dawlada hoose , wasaaradaha iyo hayadaha wadanigi

    Xasan ciise
    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: