SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Tahriibayaal lagu qabtay Saylac, oo Marin u Noqotay Khad Tahriib Cusub

    Posted by Sawnews.tk on July 1, 2009

    tahriibayaalSaylac(sawnews/Bnn)-Ciidanka Qaranka ee ka hawlgala deegaanada Gobolka Salal ayaa xalay gacanta ku dhigay 16 tahriibayaal ah,
    Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre, ayaa sheegay in tahriibayaashaasi uu siday baabuur Land Crusal ahi, kaasi oo ka soo qaaday magaalada Boorama una siday dalka Jabuuti.

    Tahriibayaasha oo u badan Itoobiyaan, kuwaasi oo 13 rag yihiin iyo 3 haween ah, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka degmada Saylac in tahriibayaashan laga qabtay deegaanka Xuseen oo ka tirsan degmada Saylac.

    Guddoomiye Ku Xigeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamada qaranka ee ka hawgala deegaanka Saylac ay si adag u baadhaan cid kasta oo doonaysa inay tahriib ku dhaafto deegaanada gobolkaasi. Baabuurkii siday tahriibayaashan ayaa isna gacanta lagu hayaa.

    Waxa 21-6-2009 ciidanka qaranka ee xeebuhu gacanta ku dhigeen 70 xubnood oo tahriibayaal ah kuwaasi oo laga qabqabtay goob u dhaxaysay xeebta Saylac iyo Lughaya, sida uu wariyahayaga u sheegay taliyaha xeebaha Max’ed Xudhuun.

    Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Bariga magaalada Boorame Yaasiin Cabdi ayaaa isaguna sheegay in tahriibayaasha ay qabqabteen u socdeen dalka Jabuuti, oo xilliyadan dambe uu ka furmay marin cusub oo tahriibeyaashu ay uga gudbaan dalalka khaliijka, oo loo bixiyay Tahriibka VIP-da Ah.

    Source
    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: