SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siyaasiga C/risaaq Ciyaale oo xisbiyadda mucaaradka ku waaniyay inaanay khalkhalin doorashada

    Posted by Sawnews.tk on July 1, 2009

    ciyaaleHargeysa(Sawnews)-Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa sheegay in Wakhtigan aanay haboonayn in la bedelo Xubnaha komishanka doorashooyinka, iyadoo buu yidhi wakhtigan ay ku gudo jiraan Komishanku u diyaar garawga qabsoomida doorashada.

    Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle oo daba socday hadalo dhawaan ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa tibaaxay in ay Mucaaradku ay wakhtigan ku hawlan yihiin khalkhalinta iyo dib u dhigida doorashada, taasoo uu u soo jeediyay inay ka waantoobaan isla markaana ay kalsooni ka muujiyaan shaqada ay komishanku hayaa.

    Mr. Ciyaale oo caawa ka hadlay Telefishanka Qaranka Dawladda Somaliland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Xisbiga UDUB ahaan ay diyaar uyihiin ka qayb galka doorashada isla markaana Xukuumadda Somaliland ka goan tahay “Doorashadu waa Ay dhacaysaa, haddaanu nahay xisbiga UDUB-na b waxanu leehanahy doorashadu waxay dhacaysaa waananu galaynaa”. Ayuu yidhi Mr. Ciyaalle.

    Source  Qaramnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: