SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali oo Ku Baaqay Xaalad Abaareed Inay Ka Taagan Tahay Guud Ahaan Gobolka Awdal

    Posted by Sawnews.tk on June 30, 2009

    ahmed-yaasin-sh-cali-ayaale-small Boorama (Sawnews/Harowo) – Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali shir jaraad ku qabtay Rays Huteel oo ku yaal magaalada Boorama, ayaa Qaylo dhaan Abaareed ka sheegay G/Awdal, isaga oo xildhibaanku maalmahan safar ku soo maray meelo ka mida G/Awdal degmooyinkiisa, dhulkaas oo uu sheegay in ay ka jiraan xaalad adag oo haysata dadka iyo xoolaha degaanada uu soo maray, gaar ahaanna biyo la’aan iyo baad la’aan. 

    Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle isagoo xaaldaas ka waramaya wuxuu hadalkiisii ku bilaabay ” Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Ilaahay, marka xigana waxaan salaamayaa Bahda saxaafada ee halkan warka igaga duubaysa, intaas ka waxaan maalmahan soo maray meelo ka mida G/Awdal oo aan ku soo Arkay xaalad ba’an oo Abaareed oo aan qaylo dhaan degdega u jeedinayo Hayadaha Caalamka iyo xukuumada Somaliland.

    Wuxuu intaas ku daray xildhibaanku “Waxaan u imid G/Awdal in aan soo daraasadeeyo xaalada jirta, waxa ka jirta G/Awdal abaar ba’an oo biyo la’aan iyo baad la’aan ah, waxaan ugu baaqayaa hayadaha caalamka iyo dawlada Somaliland in ay caawimo degdega la soo gaadhaan dadkaas ay hayso xaalada ba’ani, gaar ahaan wasaarada beeraha waxaan leehay Ayax badan ayaa degay dhulkii gobolka Awdal ee dalagu ka soo bixi jiray ee gurmad u soo sameeya, aad ayaxa kala dagaalamaysaan, waxaa haysa dadkii na soo doortay Abaar ba’an, hayada caalamiga, kuwa maxaliga ah iyo dawladaba waxaan uga dalbayaa gurmad degdeg ah in ay la soo gaadhaan.

    Qaylo dhaanta aan sameeyay waxaan filayaa in ay meel dheer gaadhi doonto, isla markaana degmooyinka ay abaartu hayso loo soo gurmado.

    Waxaan soo maray meelo badan oo G/Awdal ka mida aniga oo rabay in aan soo indho indheeyo xaalada nabadgelyo, nololeed iyo xaalada guudba.sida ay tahay, waxaanan ku soo arkay arimahaas aan idiinka soo waramay ayuu yidhi xildhibaan Axmed Yaasiin isagoo sii tilmaamay in, markaas dadkii iyo xoolihiiba aad iyo aad u tamar daran yihiin, si gaar ahna dadkaa G/Awdal loogu soo gurmado.

    Dhamaanba ilaa Saylac iyo Degmooyinka kala waxa ka taagan xaalad aad u adag oo u baahan gurmad degdega, ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa in uu Abaartaas naga saaro waanan baryaynaa in uu roob degdega na siiyo, ayuu ku soo gabagabeeyay xildhibaanku qaylo dhaanta uu jeediyay.

    Hadaba isku soo wada duub oo waxa guud ahaan ka jirta Somaliland xaalad abaareed oo xukuumada lafteedu ka samaysay qaylo dhaan, dhanka kala waxaa muuqda in meelo ka mida Bariga degmada Baki ay ugu biirtay xaalada colaadeed iyo in dadkii xoola dhaqatada ahaa ay Ciidanka Somaliland ka degaan ceelashi ay ka cabi jireen, taas oo lafteedu culays ku noqotay dadka deegaankaas oo ah meelo aanay ka jirin colaad dad is dilayaa, dhulkaas oo aan dhawaan booqanay saxaafadu waxaa ka mid ah Baysaare iyo meelo kale.

    ahmed-yaasin-sh_-cali-ayaale-1

    Hashim Goth

     

    Harowo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: