SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maamulka Isbitaalka Guud Ee Boorama Oo Soo Dhaweeyey Laba Ka Mid Muwaadiniinta Qurbajoogga Kuna Takhasusay Cilmiga Shaybaadhka Oo Isbtaalka In Muddo Ah Ka Hawlgeli Doona

    Posted by Sawnews.tk on June 30, 2009

    getattachment2.jpgBorama-(Lug)-Maamulka Isbitaalka Guud ee Boorama Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye ayaa maanta isbitaalkaasi kusoo dhaweeyey laba ka mid ah muwaadiniinta qurba joogga kuna takhasusay cilmiga Shaybaadhka ama laboratory’ ga oo in muddo ah ka hawlgeli doona isbitaalkaasi.

    getattachment.jpg

    Shir Jaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiska maamulka isbitaalka ee Boorama ayaa agaasimha isbitaalka Boorama  sheegay in laba xubnood oo ka mid ah qurbajoogga reer Somaliland gaar ahaanna kuwa u dhashay Boorama ay isbitaalka ka hawlgeli doonaan labada bilood ee soo socota, kuwaasoo  ku takhasusay cilmiga shaybaadhka  oo guud ahaanba aqoontiisu  ama dadka ku takhasusay ku yaryihiin Guud ahaanba Somaliland.

    getattachment1.jpg

    Labadana dhakhtar oo lagu kala magacaabo Dr.Maxamed Daa’uud Qawdhan iyo Dr. Xuseen Axmed ayaa waxay ka kala yimaaddeen  Gobolka Texas ee dalka maraykanka iyo Dr. Xuseen Axmed oo ka yimid dalka Finland kuwaasoo sida agaasimuhu sheegay ku dhawaad laba bilood joogi isbsitaalkaasi inta ay joogaanna ay   isbitaalka iyo dadweynaha  uga shaqayn doonaan

    1. Kor u qaadidda aqoonta  shaqaalaha ka shaqeeya shaybaarka isbitaalka Boorama

    2. Baadhista dadweynaha u baahan in  xanuunkooda la mariyo shaybaadhka

    3. Iyo tan saddexaad oo ah kor u qaadidda cilmiga shaybaadhka ee  ardayda kulliyadda caafimaadka jaamacadda Cammuud .

    getattachment2.jpg

    Sida agaasimuhu sheegay Dr.Maxamed Daa’uud qawdhan ayaa isagu isbitaalkaasi  ugu tabarucay shaqadaasi muddo ku siman laba bilood halka Dr.Xusen Axmedna uu ku yimid barnaamijka dawladda Finland u dejisay qurbajoogga dalkeeda ku sugan inay u dirto dalalkii ay asal ahaan ka yimaaddeen si ay uga caawiyaan horumarinta dalkooda, taasoo xafiiska socdaalka ee dalka Finland qurbajoogaasi ka bixiyo kharashka la mid ah kii UNDP dhawr sano ka hor ku bixin njirtay qurbajoogga doonaya inay dalalkii ay ka yimaaddeen ka shaqeeyaan , muddo bil iyo badh ahna uu isbitaalkaasi ka wadi doono adeegsiga cilmiga shaybaadhka , baadhista xanuunada dadka bukaanka u yimaadda isbitaalka iyo tababaridda shaqaalaha isbitaalka Boorama ee ka shaqeeya hawlaha shaybaadhka .

    Wariye:-
    Maxamed Cumar Sh.(Hyane)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: