SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Tolow Yaa Bedeli Doona Boqorkii Suugaanta Somaaliyeed (AHU) Abwaan Xasan Sheekh Muumin?

    Posted by Sawnews.tk on June 29, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenMarka hore waxan hambalyo iyo bogaadinba hawada u marinayaa abwaanka da’da yar Maxamed Cismaan Budin guusha uu kasoo hooyay tartankii gabayada gobolada somaliland ee lagu qabtay magaalada Hargeysa habeenkii khamiista ee taariikhdu ahayd 25-06-2009 kuna guulaystay kaalinta koowaad. 

    Abwaanka waxan leehay hambalyo,hambalyo,waan kula joognaa waan kula jirnaa…….Su’aashan culus ee kor ku xusan waxay hordhac u ahayd article aan ku sagootiyey Alle ha unaxariistee abwaankii qaaliga ahaa maalintii iilka la dhigay 26-01-2008.Waxay ahayd su’aal aan umadda somaliyeed dhex dhigay iyadoo wadata xujooyin cad-cad ” Dab dhaxmooday,Dawo bukootay,dur-dur oomay,Dufan basaasay” waa su’aal da’waynoo madaxa daalineysa deg deg kuma haboonee adoo degan u fiirsoo ujeedada i deeqsii.Markaasay timiday su’aashan “tolow yaa bedeli doona boqorkii suugaanta soomaliyeed?

    Su’aashaa markii aan soo dhigay dad badan baa ila soo xidhiidhay,qof waliba isagoo jawaabtiisa ku salaynaya aragtida mustaqbalka kana duulaya qarniga cusub iyo da’yarta jawaabtiisa dib buu u dhigtay,taasoo aniga aragtidayda iila muuqatay inuu qof waliba sugayey madal iyo meel rag isku arkay inuu kala dhex baxo qofkii uu u xulan lahaa bedelka abwaankii qarnigii tegay iyo bilowga abwaanka qarniga cusub.Dadbadan baa runtii isoo waydiiyey bal inaan sheego cidii bedeli lahayd abwaanka,laakiin laftaydu waan ka gaabsaday maadaama aanay markaa ii muuqan cidii bedeli lahayd.

    Hase yeehee maanta waxa la gaadhay wakhtigii aan su’aasha dad waynuhu dib iigu soo celiyey ka jawaabi lahaa maadaama da’yartii gayiga dhaxlaysay inta gole la isugu keenay lagu yidhi “haatuu burhaanakum.”

    Waatan jawabta su’aashii aan sanad iyo badh ka hor bulshada waydiiyey.

    Jawaab. “Mar hadii maanta la qabtey tartan suugaaneed heer qaran ah oo Somaliland u dhanayd, waxan odhan karaa abwaan Xasan Skheekh Muumin waxa bedeli kara abwaankii tartankaa kaalinta koowaad ka galay.” Sidaas awgeed Hal-abuurka da’da yar abwaan Maxamed Cismaan Budin waxan u aqoonsanay inuu yahay abwaankii bedeli lahaa Xasan sheekh Muumin soo jeedinta mudane Cabdirisaaq Hammaal-na waan ku raacsanahay waxanan ka rajaynayaa abwaanka cusubi inuu inoo fur-furo meselooyinkii marxuumka uu mawdku kasoo gaadhay. Halkan Riix

    http://harowo.com/2008/01/27/tolow-yaa-bedeli-doona-boqorkii-suugaanta-soomaaliyeed/

    Jawhar Qalinle

    Email: korwaayeel@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: