SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • M/xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/raxman Aw Cali Farax oo safar caafimaad kujooga Malaysia

    Posted by Sawnews.tk on June 29, 2009

    Cabdyraxmaan%20Aw%20CaliKuala lumpur.(Sawnews): M/xigeenkii hore Ee Somaliland Mudane C/raxman Aw Cali Farax ayaa safar dhinaca caafimaadkiisa ah kujooga Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur. Mudane C/raxman Aw Cali Faarax waxa ku weheliyada safarkiisa caafimaad marwadiisa.
    Mudane  C/raxman Aw Cali Faarax oo haatan xaaladiisa caafimaad aad u fiican tahay ayaa lagu sameeyay baadhitaan guud (check up), kaasi oo loogu cadeeyay in xaaladiisu fiican tahay, dhawr todobaadna uu dibada ku qaadan doono dawooyin loo qoray, isaga oo hada degen Huteel kuyaal Badhtamaha Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur.

    Mudane C/raxman Aw Cali faarah ayaa maalin walba intii uu ku sugnaa Malaysia si isdaba joog ah ay usoo booqanayeen ardayda iyo jaaliyada Somaliland ee Malaysia. Waxaana lafilayaa ka hor laabashadiisa inuu lahadli doono Ardayda Somaliland ee Wax kabarata Malaysia oo aad u tiro badan.

    cabdirahaman Aw Cali  oo tan iyo wixii kadambeeyay ka bixitaankiisii xisbiga Kulmiye shirweynihii Burco kadib aan lagu arag fagaarayaashada Siyaadada, ayaa haatan u muuqda inuu ka gabanayo dabaylaha siyaasadeed ee hada ka aloosan Somaliland. Hase yeeshee todobaadkii lasoo dhaafay ayay guud ahaanba taageerayaashii Gobolka Awdal isku shubeen xisbiga talada haya ee UDUB,iyaga oo ay ka muuqatay xamaasad badan iyo eedo badan oo ay usoo jeediyeen xisbigii ay kasoo bexeen ee Kulmiye.

    Hadaladii soo dhaweynta taageerayaashiisa oo uu ku soo hadal qaaday C/raxmaan, Gudomiyaha Difaaca iyo nabadgalyada ee xisbiga UDUB C/laahi Maxamed Jamac (Carey) waxa kamid ahaa “Maalintii Kulmiye diiday musharaxnimada C/raxman Aw Cali waanu Faraxnay waayo maanta maanu helneen taageerayaasha intan leeg, markaas waxaan leeyahay Mujaahid C/raxman Aw Cali waa nin Qaran meel kasta oo uu jooge ha noolaado”. ayaa kamid ahayd erayadii C/laahi Carey ee soo dhaweyntii UDUB ee taageerayaashii C/raxman Aw Cal Farax oo lagu qabtey Huteelka Rays ee magaalada Borame.

    Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: