SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • 40 Hablood Oo Maanta Tabobar Habka Hogaaminta Lagu Baranayay Looga Furay Xarunta Moonlight Ee Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on June 29, 2009

    dsc03928.JPGBorama-(Sawnews.)Waxa maanta xarunta Moonlight ee magaalada Borama tabobar looga furay in ka badan 40 hablood oo da’adoodu u dhaxayso 17-ilaa 25 sano jir, lana barayay ka qayb qaadashada hogaaminta iyo qaabka wax loo hogaamiyo.

    dsc03928.JPG

    Tabobarkan oo ay iska kaashanayeen hayada Unicef iyo ururka dalada Sonyo ee Somaliland, ayna gudbinayeen ururka dhalinyarada ee Moonlight waxana barnaamijkani hore loogu soo qabtay hablo badan oo iyaguna ku tabo bartay habka hogaaminta laakiinse kani waxa uu socon doonaa bisha June ilaa October, waana mid la doonayo in fikirkooda iyo rayigooda ay isku waydaarsadaan bal qaabka ugu haboon ee hablaha da’ada yari hogaaminta kaalintooda uga gali lahaayeen.

    dsc03934.JPG

    Munaasibadaasi waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha degaanke ee Boorama, Academiyada iyo wakiilka Sonyo ee gobolka Awdal, waxana ugu horeyntii ka hadlay munaasibadan Hasan Halas oo ku hadlayay magaca golaha degaanka ee degmada Boorama, waxuuna tilmaamay inay fiican tahay in da’a yarta lagu ababiyo sida wax loo hogaamiyo waliba waa fursad fiican inay dadka tabobarkan la siinayaa ay u badan yihiin gabdho iyadoo uu ku tilmaamay haweenku inay nabadgalyada iyo ka qayb qaadashada horumarka adeegyada bulshada kaalin wanaagsan kaga jiraan.

    dsc03944.JPG

    Waxa uu isagu la dardaarmay gabdhaha inay wacyi galin ka gaystaan dhinaca dadka tahriibaya oo uu ku tilmaamay inay dhibaato badan tahay tabriibtu waxuuna ugu baaqay inay dalkooda aaminaan oo ay ka shaqaystaan.

    dsc03949.JPG

    Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Sacaada Muxumed Diiriye waxaanay sheegtay in laga fogaado dhaqamada xun xun iyo isku baraarujinta tahriibta waxaanay intaasi raacisay in ururka gabdhaha ee Moonlight ay wax badan u qabteen gabdho iyo WIIlal aan waxbarashada fursad u helin oo iyagu ay wax ku baraan iskuulka gacan qabad ee way Moon light gacanta ku hayso, waxaanay sheegtay in wanaaga iyo waxbarashada laga shaqeeyo.

    dsc03951.JPG

    Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Isra Sheekh C/laahi waxaanay ka warantay waxqabadka ururka gabdhaha ee Moonlight oo ay tilmaantay in la aasaasay 2002 bishii 8aad, adeegyo badan oo dhinaca waxbarashada, nadaafada iyo Baraarujintaba ay wax badan ka soo qabteen, waxa kale oo ay sheegtay in iskuulka gacan qabad ee uu ururkani gacanta ku hayo ay dhigtaan 60 dhalinyaro ah oo ilaa Fasalka 5aad ay marayaan, waxaanay xustay in barnaamijyadan ay kala howl galaan Unicef iyo Sonyo mahadna ay jeedisay.

    dsc03964.JPG

    Waxa ugu dambayntii halkaasi ka hadlay Maxamed Aadan oo ah wakiilka dalada Sonyo ee gobolka Awdal waxuuna sheegay in waxbadan oo la taaban karo ay qabteen ururka Moonlight ee Gabdhuhu waxaana xusid mudan in si gaar ah loo tilmaamo dhinaca horumarinta waxbarashada, Nadaafada iyo u gargaarida dadka tabaalaysan kaalinta muuqata ka qaataan.

    dsc03968.JPG
    dsc03970.JPG
    Wariye:-
    Abokor Hasan Affi

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: