SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne ku xigeenka oo ka Hadlay Weedho ay Mucaaradku ku Naqdiyeen Mawqifka Xukuumada ee Doorashada

    Posted by Sawnews.tk on June 28, 2009

    YAASIIN-NEWONE-1Hargeysa(Sawnews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay hadalo la isla dhex marayo oo sheegaya in Xukuumada Somaliland ay ku foogan tahay sidii ay mar kale doorashada qabsoomideedu dib uga dhacdo wakhtigii loo cayimay ee 29 Sept. si mar kale Mudda xilka loogu kordhiyo. Hadaladaasi oo uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inay ka soo fulayaan Xisbiyadda Mucaaradka.

    Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay maanta kulan uu warbaahinta kula yeeshay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in mararkii hore ee muddada loo kordhiyay xukuumada aanay iyagu dalban balse ay keeneen duruufo dabiici ahi, sidaa darteed aan loo nisbayan Karin Muddo kordhin iyo sii joogida Kursiga.

    Madaxweyne ku xigeenka oo mar ka jawaabayay Su’aal ay Suxufiyiintu waydiiyeen oo nuxurkeedu ahaa Abaaraha dalka ka jiraa haddii ay sii daba dheeraadaan, ka Xukuumad ahaan Saamayn intee leeg bay ku yeelan kartaa qabsoomida doorashada oo dhawr goor dib u dhacday?. Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kaga jawaabay “Horta niyow annagu haddaanu nahay Xukuumadda waxa nalagu eedeeyaa doorashay qaban waayeen, annagu si kasta oo ay ku dhacdaba waanu qabanaynaa doorashada ama ha la diido ama yaan la diidin.”

    Isagoo Hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Annaga waxa nala yidhaahdaa waxa ay doonayaan Muddo kordhin, anigu waxyaabo badan baan goob joog u ahaaye Korodhsigaas bal aan idiinka sheekeeyo.Xisbiyada Mucaaradka ahi waxa ay hore u yidhaahdeen Haddii aan dadka la diiwangelin annagu doorasho geli mayno, waxaanu ku nidhi waayahaye waxa aynu hadda maraynaa bilowgii 2008, Bisha May-na (2008) waa doorashadii kolkaa side bay u suurto galaysaa?, waxa ay yidhaahdeen Doorashada Deegaanada dib ha loo dhigo, taasna aynu siino Muddo 11 Bilood ah, si ay diiwaan gelintu wakhti u hesho. Waliba Xisbiga UCID ayaa ku dhegenaa, annaguna markaanu wax badan xeerinay waanu ku raacnay, ay diiwaangelinta ka dib u dhacdo doorasho One Man One Vote ah, waxaanuse ku nidhi haddii ay 11-kaas bilood ee diiwaangelinta ay doorashadu ku qabsoomi waydo maxaa la samaynayaa, kadib waxa qabsoomida doorashada loo qoondeeyay 29 March 2009.”

    Madaxweyne ku xigeen Axmed Yusuuf Yaasiin oo faahfaahin ka bixinayay asbaabihii keenay dib u dhacyadii ku yimi doorashada iyo sii ay lagama maarmaan u noqotay in Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadiisa waxa uu yidhi “Mida kale wadanka waxa ka dhacday aafo oo waa tii la ina qarxiyay Nimankii Meesha (Diiwaangelinta) ka shaqaynayay ee qaatay Mashruucuna way qaxeen ooHindi bay ahayd, annaguna maanu siinin Mashruuca ee waxa siisay EU-da, laba biloodna lama arag, halkaana laba bailood baa ku baxay. Inagu waynagii isla soconay ee gobol wal iyo magaalo walba riixaynay inay dhacdo si kasta oo ay noqotaba (by hook and Crook). “ayuu yidhi Md. Yuusuf

    Hogaamiye ku xigeenka Dalka Somaliland waxa uu ku adkaystay in doorashadu sidii loogu talo galay u qabsoonto xataa haddii laga jaro macaawanada deeq bixiyayaashu ku bixiyaan Doorashooyinka “Kolkaa waxaan leeyahay Haddii ay xataa qoladani (Deeq-bixiyayaasha) ay diidaan waa in Somaliland isku tashato oo ay doorashada Qabsato, waa inaan nala odhan Doorashay sii riixayaan oo ay dib u dhigayaan, sidaas oo ay tahay distoorku wax buu qorayaa laakiin dee distoorkiina la isla dhaafyoo waxa la leeyahay Xukuumadu iyadaa doorashada dabada haysa. Sidaa darteed dee wixii yimaada waynu ka tashan doonaa oo qaran talo ku nool baynu hore u ahay.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin .

    Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: