SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Baanka Somaliland oo Si Rasmi ah Maanta Looga Furay Magaalada Laas-caanood:

    Posted by Sawnews.tk on June 27, 2009

    laascaanood-small2 Laas-caanood, (Sawnews) – Waxaa saaka lagu qabtay Banki-ga magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo lagu furayay Bankiga magaalada kaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda Banka dhexe ee Somaliland,heer Gobol iyo waliba shacab wayne aad u fara badan kuwaas oo si wayn ugu faraxsanaa furitaanka Bankiga magaalada.

    Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Bankiga magaalada iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin iyo waliba qayb kamid ah cuqaasha magaalada kuwaas oo halkaasi kasoo jeediyay hadalo muujinaya cabirkooda ay fikir ahaan ka qabaan furitaanka kaas oo ay ku xuseen inay si wayn ugu faraxsan yihiin ayna doonayeen muddo.

    Ugu horayn waxaa halkaasi furay oo ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir X. Xasan isagoo xusay inuu si wayn ugu faraxsan yahay furitaanka Bankiga ayna tahay arin muhiim u ah shacabka Gobolka Sool inuu Bankigoodu shaqeeyo oo aysan meelo kale oo ka baxsan Gobolka wax udoonan.

    Sidoo kale Caaqil Aadan Cali Ducaale ayaa sidoo kale waxa uu xusay sida ay ugu faraxsan yihiin una soo dhawaynayaan haddii ay yihiin cuqaasha iyagoo ku hadlaya afka qabaa’ilada ay masuulka u yihiin iyadoo sidoo kalana Caaqil Muuse Faarax Dhiil uu si wayn u taageeray furitaanka Bankiga kana codsaday in lacagta Dawlada ay ka badasho ayna ugu badasho lacagta Land-ta.

    Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale ayaa sidoo kale halkaasi waxa uu kasoo jeediyay inay magaalada Laascaanood u yimaadeen inay furaan Bankiga magaalada ayna dhaqaajiyaan hawlihii shaqo ee Bankiga magaaladu uu lahaa isagoo xusay inuu hadda u dhan tahay shaqaalihii ka shaqayn lahaa ayna taal lacagtii Somaliland ee Bank ku hawl geli lahaa oo iyaga la socotay.

    Ugu danbantii Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa waxa uu soo xidhay xafladii halkaasi ka socotay isagoo mahadnaq ujeediyay masuuliyiinta ka timi caasimada Hargeisa ee u timi furitaanka Bankiga isagoo shacabka Gobolka u sheegay inuu hadda wixii ka danbeeyay albaabadu u furan yihiin iyadoo intaasi kadib markii ay soo xidhantay xafladii uu xadhiga ka jaray furitaanka Bankiga magaalada Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale.

    laascaanood-61

     

     

    Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale 

     

    laascaanood-21

    laascaanood-3

    laascaanood-51

    Ahmed Abdulahi Binow  –  Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolka Sool.

    source Harwo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: