SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dr. Saleebaan Axmed Walhad oo la kulmay urur ay leeyihiin ganacsatada yar-yar ee Boorama

    Posted by Sawnews.tk on June 26, 2009

    walhadBorama(Sawnews)Kulan balaadhan oo lagu qabtay xarunta ururka dhalinyarada wadaniga ah ee AYODA ay ku leeyihiin magaalada Boorama, ayaa ujeedadiisu waxay ahayd in uu tallooyin u gudbiyo Dr. Saleebaan Axmed Walhad oo ah aqoonyahan shahaadada PhD ka diyaariyay culuunta maaraynta ganacsiga iyo dhaqaalaha urur ay leeyihiin ganacsatada yar-yar ee dukaanlaydu isla markaana u kuur galo maadaama uu dalka ka maqnaa muddo dheer, waxyaabaha kale ee ka socda dalka ee horumarka ah.Kulanka ayaa waxa hadal kooban ku bilaabay Mursal Axmed Sheekh oo ka mid ah ganacsatada yar-yar ee dukaanlayda ee ururkaa, waxaanu ka xog-waramay ujeedooyinka loo aasaasay ururka isaga oo sheegay inay ku kaliftay samaynta ururkan dhibaatooyin ay ka mid yihiin: iyadoo aanay jirin kala xadayn ganacsi, oo ninka badeecada ka keena wadamada shisheeye ay illaa tafaariiq ku iibiyaan badeecadooda, halka ay jumlad kaga iibin lahaayeen isla markaana tukaamada yar-yari ka tafaariiqayn lahayeen si ay uga sii macaashaan. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku kaliftay inay qiimayaasha badeecada si ay iskaga ogaadaan iyo inay ay arimaha ganacsiga ee khuseeya u midoobaan.

    Kadiba waxa hadalka la wareegay Dr. Saleebaan Axmed Walhad , waxaanu ugu horayn uga mahadceliyay ururka soo qaban qaabiyay kulankan iyo ganacsatada kasoo qayb gashay, waxaanu u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko sida ay ugu baraarugeen ee ay u dareemeen dhibaatooyinka ay leedahay ganacsiga fardi ahi. Isla markaana caalamka aanay jirin in cid kalideed ganacsi samaysato, ee waxyaabaha horumarka lagu gaadhay ay tahay in la shuraakoobo la iskaashadana. Waxa kele oo Dr. Saleebaan Axmed Walhad ku daray in ganacsatadu ka fakaraan sidii ay u abuuri lahaayeen una samayn lahaayeen xeerar iyo nidaam kala haga iyadoo guddi hoosaadyo loo saarayo , isla markaana intii ganacsi isku mid ah wadaagtaa gudiyo hoosaad ah lahadaan iyada oo mid guud ahaan ay wadaagaanna jirayo.

    Waxa uu Dr. Saleebaan Axmed Walhad uu booqasho ku yimi magaalada Boorama bishan horaanteedii, mudadii uu joogayna waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay qayabaha kala duwan ee bulshada, isaga oo khudbado ka jeediyay Jaamacada Camuud. Dr. Saleebaan oo inta badana ka mid ah qurbo jooga reer Awdal ee isku hawla dib-u-dhiska dalka, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada Camuud

    Kulankan waxa uu Dr. Saleebaan ku booriyay ganacsatada inay ganacsigooda casriyeeyaan oo ay ka dhigaan mid horumarsan dhinacyada xisaabaadka iyo ka qayb qaadashada abuurista suuqyo cusub iyo horumarinta isgaadhsiinta iyo waxyaabaha kale ee horumarka wadanka ka midka ah sida wadooyinka.

    Gabo-gabadii kulankaasi waxa Dr. Saleebaan Axmed Walhad u qaybiyay ganacsatadaas buugaag gacmeedyo uu qoray isagu oo ku saabsan barashada xisaabaadka oo ku qoran afka soomaaliga, taasi oo ay sheegeen ganacsatadu inay wax badan ka caawinayso kala ogaanshaha dakhliga, kharashka iyo hantida guud.

    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: