SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UDUB oo Ku Guulaystay Inuu Kasbasbado Taageerayaal Fara Badan oo Hore Uga Tirsanaan Jiray Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal.

    Posted by Sawnews.tk on June 25, 2009

     xafladdii-dadkii-kulmiye-ee-udub-ku-biiray-4Boorama (Sawnews) – Xaflad aad u balaadhan oo ka dhacday Hutelka RAYS (Boorama), loona qabtay Taageerayaal ku soo biiray UDUB, oo ay wada jir u soo qabanqaabiyeen ururka haweenka qaranka (NOW) iyo masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/awdal, ayaa  waxa ka soo qaybgalay wafdi ka socday hoggaanka sare ee xisbiga  UDUB, masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/Awdal, Salaadiin, martisharaf kale iyo ku dhawaad 150 xubnood oo ka mid ahaa taageerayaasha C/raxmaan Aw Cali ee ku jiray xisbiga Kulmiye iyo masuulyiintii hore ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal.

    Raggii halkaa ka hadlay waxa ka amid ah  madaxa  Guddiga abaabuka xisbiga UDUB Maxamed Cabdi Malow, kana mid ah guddiga fulinta xisbigaasi, isagoo khudbaddisaasi kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsanaa siyaasadda xisbiga ee mustaqbalka iyo hadafka siyaasadeed ee wakhtigan, isagoo dhinaca kalena xisbiyada mucaaradka ah ku dhaliilay arrimaha doorashooyin ka iyo xaaladda siyaasadeed ee maanta dalku marayo, hadalladii uu halkaa ka yidhina waxa kamid ahaa:

    “Aadbaan usoo dhaweeynaynaa xubnaha kasoo baxay xisbiga Kulmiye ee maanta u yimi xisbiga umaddaha bahoobay ee UDUB, kaasoo horeba loogusoo dhaweeyeytqayybahakala duwan ee bulshada soomaaliland  ,walkhti fiicanbaanad ogaateen inaad  meel cidlo ah joogtaan, oo ad garateen inaad kusoo biirtaan halka umadda soomaaliland u socoto marka ay yimaadaan doorashooyinka dhici doona wakhtigii loo qabtay.

    Xisbiga UDUB maaha xisbi shakhsi eryin qaarna soo dhaweysan  afkaartiisuna ku salaysantahay talowadaag,annagu cidna aflagaadeyn maynno waxaan dalka usoo qabanayeyna waa la ogyahay ,waanan sheegi doonaa, inta ogina way noo duceeyaan muddada UDUB xilka hayey, waxan idinkula dardaarmayaa inaydaan iska dhigin dad iska ururiya xisbiga oo gooni ka ah ,hawlbaa la geleyaa aynaan awal wadageli jirin balse maanta wadaajir  u dhisi doonn dawlad kale oo UDUB hoggaamiso doorashana geleyo.” Wuxuu u mahad ceshay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee UDUB Borama sida Maxamed Aaden Suldaan.

    Maxamed Xuseen Jaamac, kana mid ahaa xildhibeenadii baarlamaankii u horeeyey ee soomaaliland oo isna munaasdabaddan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sida xisbiyada Mucaaradku u doonayaan inay doorashada mar kale dib u dhigaan, mar kastana u abuiurayaan qalalaase siyaasadeed.

    Maxamed Xuseen oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “UDUB waxa loogu yimaadda dulqaad .aad ogtihiin dacaayadaha xisbiyada mucaaradku mar kasta oo dalku doorasho diyaar u yahay lasooa baxayaan. Waagii lagu jiray doorashadii baarlamaanka cusub,waxay xisbiyada mucaaradku soo jeediyeen wax impeachment la ydihaa oo xilkaqaadista madaxweynaha ah, maanta oo ay sooa dhaadeen kuwii madaxtooyaduna wixii o kale ayuunbay wadaan, waxanana usoo jeedinay inay dadka u fasaxaan doorashooyinka oo anay ka shaqaynin muddokordhin kale oo guurtida la mariyo.”

    Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee dalka UK oo isna halkaa saaka ka hadlay ayaa si gaar ah uga warramay waxyaalaha ay xisbiyada mucaaradku ka sheegaan dalka marka ay safarada ku yimaaddaan dalalak yurub, isagoo arimahaasi ka hadlayanawaxa uu yidhi:

    “Maanta dalkaa nabadda ah ee anay belaayo ka taagnayn ,ayaa siyaasiyiinta xisbiyada muc\aaradku noo yimaaddaan ay noo sheegaan waxyaalo badan oo waelwel iyo walaacna geliya ,dalkiibaa caynkan ah oo dawladdu khatar ku haysaa ,waxanay laynaysaa, waxanay musuqmaasuqaaysaa iwm, waxan ogaanay ina waxay noo sheegayaan oo dhammi ay been yihiin. Waxan walaalahay leehay khalkhal an jirin dadweynaha ha gelinina doorashooyinkana u diyaargarooba,cadow badaanbaan leenahay  ee ha innoo horseedina burbur iyo belaayo an jirin inaan dhexdeenna ka abuuranto.”

    Ismahaan Cali Yuusuf  madaxa siyaasadda xisbiga UDUB  ee heer Qaran, ayaa iyaduna ka hadashay qiimaha ay xisbga UDUB kusoo kordhin karaan xubnaha kusoo biiray ee ka yimi xisbiga KULMIYE, iyadoo arrimahaasi ka hadlaysana waxay tidhi:

    “Waaxan maanta ogaannay in xisbigii Kulmiye u marayo meeshii ugu liidatay, sababtoo ah waxan aragnaa dadkii xisbigaasi dhaqaajinayey ee Boorama. Waana mahad ilaahay in gobolkii an u dhashay Xisbiga UDUB qaateen haddii ay doorashooyin tahay iyo haddii ay maamul dawladeed tahayba, UDUB qabiil maaha, saddexdoorasho ayaan soo qabannay tanna way ku xigtaa, waxa kale oo guul ah in hooyo Scaada oo cabsi weyn nagu haysay wakhtiga doorashooyinka  an maanta isku saf noqonnay.

    Dadka la sheegeyo inay Kulmiye ku biireen ee UDUBaan ka nimi yidhi maah dad an weligay arkay ,ma garanayo meel ay ka yimaaddeen, arrinka xisbiyada mucaaradkuna wuxu noqday wixii xunba xaawaa leh, tahriibtu kaambayn noqon mayso, wed ilaahay keenayna laguma eedeyn karo UDUB sida ay sheegtay haweenay reer Boorama ah oo tidhi odaygeygii waxa dilay niyad jab (stress) uu ka qaaday UDUB iyo dawladda Rayaale, UDUB wedka Ilaahay ma hasyo, cidna ma disho. Maanta waxa keliya ee innoo hadhay waa sidii an mar kale UDUB ugu dooran lahayn hoggaaminta dalka.

    xafladdii-dadkii-kulmiye-ee-udub-ku-biiray-4

    Waxa kale oo iyaguna halkaasi masuulyiinta Garabka haweenka ee G/awdal iyo magaalada Boorama, Aamina Boobe iyo Ruun Sheekh Xuseen abraar, haweenkaas oo ka hadlay guulihii xisbiga UDUB ka sameeyey dhinaca siyaasadda iyo sida l xukuumaddu diyaarka ugu tahay doorashooyinka 27ka septembar.

    Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka halay xoghaya xisbigaasi ee gobolka iyo madaxa xisbigaasi ee degmada Boorama  Maxamed Aadan Suldaan.

    Guddoomiyekuxigeenka xisbiga UDUB ee G/awdal Barkhad Cumar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi:

    “Waxan soo dhaweynaynaa xoogga nagusoio biiray ee ka yimi xisbiga Kulmiye ,muddo waan seexannay haddaan udub nahay,waxanana guul kale ku furanaynaa xubnaha innagusoo biiray ee boqolka iyo kontonka kor u dhaafay, kumanyaal kalena way ku xigi doonaan.waxainnoo hadhay inaan dedaal siyaasadeed albaabada ugu laabno xisbiyada kale, waayo 98% ayaa udub ah dadkeenna, 2% innaga maqanna talo ayaan kusoo xeraynaynaa annagoon cidna caayin, cidna aflagaadeyn.

    Sacaada Nuur Geddi (Sacada cadamiyo), kana mid ahayd taageerayaashii xisbiga kULMIYE oo iyadna halkaa ka hadashay ayaa tidhi:

    “Aadbaan noo ciseyseen waanan idiin mahadcelinaynaa, waxanan idinkala dardaarmayaa inaydaan na odhan waa UDUBtii dambee ee aad xaqayaga naga siisaan xisbiga, xaqayagana noo oggolaataan shanta sano ee dambe haddii alla yidhaa. Waxad ogtihiin haddaan been la sheegayn in Kulmiye guuleystay doorkii hore, guushaasi waxa iska lahaa ninka maanta Kulmiye iska diiday musharraxnimadiisii ,maantana raggii, hooyooyinkii iyo dhallinyaradii guusha Kulmiye gaadhsiisaybaa idiin yimi dee waa sidaad u xajisataan.”

    Munaasabaddan ayaa sidooa kale waxa ka hadlay masuulyiintii hore ee xisbga Kulmiye iyo taagerayaasha kusoo biiray oo kala ahaa, Aadan Xaaji Muxumed Aye oo ayaa sheegay in shirweynihii Burco ee xisbiga Kulmiye lagu tegey midnimo, Hargeysana lagusoo laabtay isagoo lagu kala tegey  wuxuuna cadeeyay in maanta laga bilaabo uu ka mid noqday xisbiga UDUB ee nabada hogaanka ku hagaya.

    Aqoonyahan C/casiis Xuseen Raage, kana mid ahaa masuuliyiintii Kulmiye ee qaban qaabada shirkii Burco, ayaa isna yidhi:

    “Waxan maanta laga bilaabo kalsoonidii kala noqonay xisbiga KULMIYE ka ddib markii an ogaaday in xisbigaasi masuulyiintiisu ahaayeen saddex nin oo kor u qaadaysa xisbiga iyo saddex nin hoos u jiidaysa, waxana kulmiye baaba,ay markii Axmed siilaanyo diiday musharraxnimada saxddexdii masuul ee kor u qaadaysay xisbigaasi kuna xulan waayay Aqoon iyo Karti.”

    Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa xubnaha UDUB ku soo biiray, ayaa isna ku sheegay in ay uga soo wareegeen xisbigii kulmiye ka dib markii ay ka arki waayeen isbedel muuqda oo ka soo socda, dadkayaga ayaanan dhinac ka raacnay, mana aha qabyaalad ee waa xisbinimo iyo anaga oo fahmi waynay hogaanka xisbiga, wuxuuna akhriyay Maxamed khudbad dheer oo uu ku sheegay waxyaabo badan iyo marxaladihii siyaasadeed ee uu soo maray.

    Maxamed Ibraahim Allale (satawe), ayaa isna sheegay inuu xisbigaasi uga baxcay markii uay masuulyiintiisu ka dhammaan waayeen gobolaysi ,qabyaalad iyo afxumo. Xamari kama mid ahaa  xubnaha firfircoon ee kusoo jiray xisbiga Kulmiye 7 sano kudhawaad ayaa isna sababta uu uga baxay ku sheegay la xidhiidhay maamulka xisbigaasi oo ku xidhan nin keliya, cidduu doonana erya cidduu doonana dhabarka ka taabta.

    Hashim Goth

    harowo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: