SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka AYODA oo qabanqaabisey kulan ay ku bahoobeen hay’adaha waxbarashada dadban ee gobolka Awdal

    Posted by Sawnews.tk on June 25, 2009

    ayodaborama2Boorama(Sawnews)  Waxa maanta ka furmay Xarunta Ururka AYODA kulankii Ugu Horeeyay ee ay yeeshaan Ururda ka shaqeeyay Waxbarashada dadbane ee G/Awdal iyo salal, waxayna ku midoobeen shabakad ama Dalad,la yidhaa,AWDAL NON-FORMAL EDUCATION NETWORK (ANFEN) Hayada UNICEF iyo AOYDA, ayaa isla kaashaday Taaba galka shabakadan Cusub  
     
    ayodaborama3

    Agaasimaha Ururka Ayoda Hodan jaamac Cabdi, ayaa Furitaankii shirka ka hadashay, oo u sheegtay dhamaan ururada kakala yimid Degmooyinka iyo Dugsiyada Gobolada salal iyo awdal ee ku midoobay  Dalada ama shabakada.ANFEN,   in hayada UNICEF u wakiilatay ururka Ayoda, heshiisna  la galeen hayada UNICEF sidii shabakadani u hana qaadi lahayd Unicef na tahay ta suura galisay wada shaqaynta Shabakada iyo Oyoda. Hodan jamaac cabdi waxay halkaa ka sheegtay in kulankani yahay kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Ururada  Waxbarashada dadban ka shaqeeyi sadexdi biloodna mar ayaanu kulmi Doonaa kana wada hadli doonaa waxii inoo qabsoomay iyo tayaynta waxbarashada.
     
     
    ayodaborama4

    waxa sidoo kale ka soo qayb galay shirkan u furmay Ururada Midoobay ee waxbarashada aan tooska ahyn madaxda wasaarada waxbarashada daahir maxamuu xadi, Maxamuud dahir Bule, iyo madaxkale oo ka shaqaysa kor u qaadka aqoonta awdal.
     
    Axmed Cige Tiigse oo ah sarkaal u olaleeya ququuqul insaanka ahna tababare Ururada Bulshada ayaa siinayay Casharo qiimo wayn ku fadhiya iyo sida ay u hawlgalaan  CBO,ENG,Netwark iyo Ururada ku midooba Daladaha. una sharaxayay qaabka wada shaqayneed ee ay u hawlgalaan Ururadu.
     
    Shirkan oo ku bilaabmay isbarasho dadkii ka soo qayb galay oo mid mid u sheegayay qofku meesha uu ka socdo iyo magaciisa oo sadexan. waana kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Ururada ka shaqeeya waxbarashada dadban ee ku Midoobay Anfen, oo ah Shabakad ka hawl galidoonta Gobolka.
     
    Qiimaha hadalada oo dhan ka dhagayso Saylac.com   

    Dahir Axmed Jirde
    Saylaayodaborama5c.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: