SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sawirka wiilkii isku qarxiyey Hotel Madina ee Beledweyne, Soomaaliya

    Posted by Sawnews.tk on June 21, 2009

    Sawnews) Muuqaalka wiilkii yaraa ee isku qarxiyay Hotelka Madiina ee Magaalada Beledweyne,galaaftayna 100 qof oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Somalia allaha u naxariistee Cumar Xaashi Aadan.Aabaha dhalay wiilka yar ee isku miidaamiyay Beledweyne oo lagu magacaabo Deeroow Sheekh Aadan ayaa sheegay in wiilkiisa darooga la siiyay oo ay markii horena maskaxda ka qaldeen kooxaha uu ku sheegay Khawaarijta AlQaeda ee tacadiyada wado.

    “Wiilkeeygu wuxuu ahaa 17 jir,waxaan ugu waqlalay Mohamed dabcan wuxuu ahaa curadka qoyskeyga,anigu cabsi darteed ayaan hada meel ugu dhuumaaleeysanayaa,waadna maqleeysaan hooga iyo ba’a uu wiilkeeyga dhigay,maskaxdiisa sax ma ahayn,waxay cunto ugu dareen daroogo”ayuu yiri Deeroow Sheekh Aadan.

    17 Jirka isku qarxiyay Beledweyne oo magaciisu yahay Mohamed Deerow Sheekh Aadan waxaa sawiradiisa bixiyay qaar ka mida shaqaalaha Xafiiska Warfaafinta ee Khawaarijta Shabaab,mana jirto ilaa iyo hada wax wara oo ka soo baxay Afhayeenkooda.

    Khawaarijta waxay inta badan qaraxyada iyo dagaalada u adeegsadaan Caruurta ay daroogada siiyaan

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: