SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Aqoon iswaydaarsi maanta uga furmay Hotel Rays ee Boorama shirkadaha Biyaha ee Somalia Iyo S/land

    Posted by Sawnews.tk on June 21, 2009

    shirkadahabiyoBOORAMA (Sawnews) Waxaa maanta magaalada Boorama uga furmay aqoon iswaydaari ku saabsan horumarinta mashaariicada biyaha ee dhulka Soomaalida Hotel Rays ee magaalada Boorama waxaana ka soo qayb galay aqoon iswaydaarsigan Shirakada SHABA oo ka jirta magaalada Boorama martina loo yahay  iyo marti sharaf kale oo ka kala socota meelo kala gadisan oo Soomaaliya iyo somaliland ba ah sida Baydhabo, Boosaaso, Gabilay iyo Jawhar oo la sheegay wali in aanay soo gaadhin madasha aqoon iswaydaarsiga laakiin ay ku marti qaadnaayeen, waxaanu aqoon iswaydaarsigu ku bilaabmay hadalo koobkooban oo ay soo jeediyeen madaxda ka soo qayb gashay kulankaas waxaana ugu horeeyey oo halkaasi ka hadlay agaasimaha shirkada SHABA Maxamed Nuur Faahiye oo sheegay in u aad ugu faraxsan yahay in uu halakn ku soo dhaweeyo masuulinyiinta kala duwan ee ka timid meelaha kala duwan ee S.land iyo Soomaaliyaba ah waxaanu sheegay mashruuca biyaha ee ay wadi shirkada uu agaasimaha ka yahay ee SHABA in ay ku guulaysteen wax tarkiisiina la arkay.

    Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay wakiilka hay’ada UNICEF mudane Cusmaan Axmed oo sheegay in ay rabaan in khibradaha kala duwan ee laga helay mashuuracan biyaha ee laga dhigayo nooca loo yaqaano PPP ay kala faa’iidaystaan dad kala duwan ee ka kal yimid meelaha kala duwan, waxaa kale oo uu intaas ku daray in wixii dhaliil ah ee intii aan wadnay mashruucan ka soo baxay la isku sheego, dadkana laga dhaadhiciyo in aan laga dhigay biyihii wax dad gaar  ahi lee yihiin ee la rabo in la nidaamiyo si looga wada faa’iidaysto.

    Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay duqa degmada Boorama MD. Cabdiraxmaan Shide Bile oo sheegay in uu mar hore marti sharafta soo dhaweynayo meelah akal duwan ka timid waxaa kale oo uu sheegay intii biyaha shirkada SHABA lagu wareejiyey in ay ka raysteen in ay maqlaan mishiin jabay iyo biyaa go’ay intaba uuna yahay mashruucaasi mid midho dhal ah.

    Waxaa kale oo isan halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Awdal Md. Maxamuud Cabdilaahi Cige oo sheegay in ay aad u soo dhawyenayaan martida ka timid meelaha kala fog waxaau kula kaftamay kuwa ka yimid meelah adagaaladu ka socdaan ee K/Soomaaliya bal in ay waxoogaa nasiimo ah dareemaan maalmaha ay halkan joogaan, waxaa kale oo uu aad u amaanay shirkada ZAMZAM ee mashruuca biyaha Gabilay gacanta ku haysa oo uu sheegay in ay yihiin niman aan dadka ka qaadin lacag badan oo aad qiima dhimis ugu sameeyey, waxaa kale oo uu xusay ahmiyada ay biyuhu u leyihiin Noolaha dhamaantii, sidoo kale waxa uu aad u  amaanay maamulka shirkada SHABA oo uu sheegay in ay aad u dadaaleen.

    Ugu danbaystii waxaa halkaas ka hadalay oo furay aqoon iswaydaarsigaas agaasimaha wasaarada macdanta iyo biyaha Eng: Axmed Maxamed oo si hufan uga waramay faa’iidada mashruucan waxaa kale oo uu xusay in ay abaar ba’ani ka jirto gobolada S/land oo hadii aan ilaahay ka soo gaadhin ay dhibaato badan la kulmayaan xoolaha iyo dadkuba, waxaa kale oo uu sheegay inta lagu jiro hawsahn aqoon iswaydaarsiga ah in wixii caqabado iyo faa’iido lala kulmay labadaba la isku sheego oo khibrada la kala qaato ama la iswaydaarsado.

    Ugu danbayntii waxa uu aad u amaanay hay’ada soo qabanqaabiyey kulankan iyo ka qayb galayaashaba.

    Waxaanu soconayaa aqoon iswaydaarsigani mudo sadex cisho ku siman

    Xasan ciise

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: