SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Warshadaha S/land oo ay iskaaga ekaadeen ama kala garan wayay midabada Cagaarka iyo Buluuga

    Posted by Sawnews.tk on June 20, 2009

    maasjidkaBOORAMA (Sawnews) Waxaa maalinkii shalay markii laga baxay salaada jumcaha ka dhacday masaajidka Al-Taqwa ee ku yaala magaalada Boorama arin ka yaabisay dad badan oo joogay markaas goobta ama masaajidka dhexdiisa oo ay ka dhacaday arin lala wada yaabay,
    ka dib markii loo sheegay khadiibkii masjidka in u dibada ku sugayo nin sheegtay in u yahay wasiirka warshadaha S/land isana ma garanayn laakiin sheegashadiisa waa u u rumeeyey ka dibna waa uu u yimid waxaanu u sheegay in la yidhaahdo magaciisa Maxamed saleebaan wayne uuna yahay wasiirka warshada S/land markaa sheekh waxaan kuu sheegayaa ayuu intaas ku daray qof walba xor ayuu u yahay midabada ama calamada uu marsanayo ama ka taagayo gurigiisa ama meeshiisa ganacsiga xataa calanka Yuhuudana ha noqdee laakiin masaajdku waa goob cibaado in aad calankii Soomaaliya ranji uga dhigtaan ma ah!Waan yaabay ayuu yidhi Imaamkii oo ahaa Sheekh Khadar Xuseen waxaanan ku dhahay halkeed ku aragtay calankaas oo masaajidka lagaga sameeyey waxa uu yidhi wasiirkii ama ninka sheeganyey wasiirka minbarka agtiisa, waxaan ku idhi ayuu yidhi Imaamkii iana keen oo bixi kabaha soona gal masaajidka ina tus waxa aad sheegayso walina waxaa masaajidka buuxa dadkii tukaday oo wali aaan ka bixin markaas ayuu yidhi waakaas minbarka aad dhinacyada ka mariseen Imaamkii waxa u waydiiyey dadkii midabkaas minbarka agtiisa marsan iyo xidigdtuba ma Buluugbaa mise waa Cagaar? waxa ay dadkii ku wada qayliyeen waa Cagaar!!! Markaas ayaa wasiirkii oo yaaban kabaha hoosta ka qaatay oo isaga baxay masaajidki.
    Xasan Ciise
    salalnews

     

     

     

     

    2 Responses to “Wasiirka Warshadaha S/land oo ay iskaaga ekaadeen ama kala garan wayay midabada Cagaarka iyo Buluuga”

    1. weeraar said

      asc
      marka hore waxaan u hanbalyaynayaa halwadeenada shabakadan cusub.

      marka xigtana waxaan leeyahay waar sland wasiiradeedu haday sas ka qabaan midabka buluugaa waa inay dakada berbera fadhiistaan ooy xataa daawooyinka buluugaa mamnuucaan waayo masaajid danbaba amay gali waayaan ooy sidaa ku gaaloobaan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: