SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir Lagu Gorfaynayay Balaadhinta Cisbitaalka Qaranka Ee Fistulaha ee Boorama Oo Maanta Ka Dhacay Xarunta Cisbataalkaas

    Posted by Sawnews.tk on June 19, 2009

    fastula-300x225Boorama-(Sawnews)-Kulan Balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Hayadaha Caalamiga ah ee Unicef UNFPA Health Unlimited Bisha Cas, Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada, Caafimaadka Gobolka Awdal,  Adna Adan Matenity Hosbital, Jaamacada Camuud Kuliyadeeda caafimaadka iyo Neersin-ka iyo Cisbitaalka Qaranka ee Fistulaha ee Boorama ayaa maanta ka dhacay xarunta cisbitalka Fistulaha.  Dhagayso Qaybta 1aad    Dhagayso Qaybta   2aad         Dhagayso Qaybta 3

    dr-qaws-iyo-dr-walhad.JPG

    Kulankan Balaadhan ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd inla isla meel dhigo isla markaana la taageero sidii loo kobcin lahaa loona ilaalin lahaa dhakhtarka FISTULAHA ee Boorama oo ah xarunta ugu wayn ee lagu daryeelo hawwnka uu ku dhaco xanuunka Iskufuranku.

    fistula-boorama-2.JPG

    Gudoomiyaha Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud Dr. Siciid Axmed Walhad isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii cisbitaalka FISTULAHA ee Boorama oo ugu horayn ka hadlay madasha  ayaa u mahad naqay ka soo qayb galayaasha, waxa kale oo uu Dr. Walhad ka sheekeeyay ahmiyada uu leeyahay ilaalinta iyo daryeelida caafimaadka haweenku, sidaasi oo kale Dr. Walhad waxa uu xusay in muhiimadii loo aasaasay cisbitaalka FISTULAHA ay tahay sidii loo badbaadin lahaa haween tiro badan oo iyagu duur galeen la noqday dhibaatada xanuunka fistulaha.

    fistula-boorama.JPG

    sioo kalee Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaarada caafimaadka Mr. Khadar ayaa waxa uu xusay in wasaarada caafimaadku ay ahmiyad wayn siinayso daryeelka hooyada iyo haweenkaba, waxa kale oo uu sheegay in ay dabada ka riixi doonto wasaaradu wax walba oo loo qabanayo cisbitaalka Fistulaha ee Boorama kaasi oo uu xusay in uu yahay lafdhabarta Adeegyada caafimaad ee loo hayo haweenka qaba xanuunka Isku furanka, waxana uu xusay in looga baahan yahay ka soo qaybgalayaasha kulankan in ay xil iska saaraan tageerida baahiyaha ka dhiman cisbataalka Fistulaha ee Boorama.

    fistula-boorama-3.JPG

    Dr. Ibraahim Siciid Qaws oo isaguna ka waramay xaaladihii uu soo maray cisbitaalkan ayaa si wayn ugu nuuxnuuxsaday taariikhda ma guuraanka ah ee uuleeyahay fikirkii aasaaska cisbitaalkii ugu horeeyay ee Fistulaha ah ee uu yeesho dalka oo dhami, Dr. Qaws waxa uu xusay in fikirka aasaaska cisbitaalkani uu ka soo maaxday maskaxdiisa mar uu ku sugnaa magaalada ADISABABA isla markaana uu meel marintiisa u tirinayo Dr. Walhad oo isagu si wayn u taageeray, waxa kale oo uu xusay in uu uga hamadnaqayo marxaladihii uu soomaray cisbitaalkani Adna Adan Hospital iyo waliba caafimaadka gobolka  iyo Wasaarada Caafimaadka oo hiil iyo hooa la garab joogay. Dr. Qaws waxa uu xusay in maanta Cisbitaalku uu bixiyo adeega ugu balaadhan ee haweenka loo samaynayo daawaynta Xanuunka Fistulaha ee Dalka oo dhan.

    fistula-boorama-5.JPG

    Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo iyaduna ka hadashay madashan ayaa waxa ay sheegtay in ay cisbitaalada noocan ookale ahi ay yihiin kuwa ugu faa’iidada badan bulshada marka laga hadlayo kobcinta caafimaadka Taranka bini’aadmiga, waxa ay guul ku tilmaantay in la aasaaso cisbitaal noocan ookale ah, waxana ay xustay in aanay marnaba dib u dhigayn wax ay u qaban karto haweenka la il daran FISTULAHA waxa kale oo ay xustay in shaqsiyan ADNA ahaan ay u dadaali lahayd sidii ay u soo saari lahayd ama ay cisbataalkeeda uga soo bixi lahaayeen Kalkaaliyayaal Caafimaad oo wax wayn ka tara daryeelka hawwnka Fistulaha qaba, waxa kale oo ay ku tilmaantyay Dr. Qaws Halyay qaran oo baal dahab ah kaga jira caafimaadka gobolka iyo kan dalka oo dhan.

    fistula-boorama-6.JPG

    Marwo Faaduma X. Abuubakar oo iyadu ah Hormoodka kuliyada neersinka ee Jaamacadda Camuud ayaa Xustay in ay kuliyadu ku dadaalayso kaabida booska ay kalkaalisadu ugu jirto caafimaadka waxana ay guul ku tilmaantay in ay soo bixi doonaan sanadaha fooda nagu soo haya kalkaaliyayaal caafimaad oo badala kalkaaliyayaashii hore.

    fistula-boorama-7.JPG

    Isla madashan dhamaan masuuliyiintii hayada UNFPA, UNICEF iyo Health unlimited iyo Bisha Cas ee ka hadlay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay buuxinayaan baahiyaha la tibaaxay ee uu cisbiotaalku qabo iyaga oo aan waxba hakranayn.

    dr-saleebaan-walhad.JPG

    Dr. Saleebaan Axmed Walhad oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacadda Camuud oo isagu soo gabogabeeyay kulankan ayaa xusay in loo baahan yahay in aqoonta looga faa’iidaysto si ku haboon, waxa kale oo uu sheegay in aqoonyahankeena loo isticmaalay si khaldan badina looga faa’iidaysatay siyaasad iyo wax aan ku haboonayn danaha bulshadfa, waxa haboon in dadka wax la baro aqoonta taala maanta dalkana looga faa’iidaysto si haboon ayuu yidhi Dr. Saleebaan. isaga oo la hadlaya aqoonyahanada caafimaadka ayaa waxa uu yidhi waa hubaal in caafimaadku yahay lafdhabar ugana faa’iideeya bulshada oo u reeba xog laga faa’iidaysto oo dhinacyo badan wax ka taraysa. Ka badala dadka fikirka ah indawada Yurub ay tahay tan ugu wanaagsan idinka aqoonyahan ahaan waa waajibaadkiina inaad dadka bartaan isticmaalka dawooyinka dalka, isku geeya cilmiga caafimaadka ee laga soo waariday Bari iyo Galbeed isla matrkaana u daahfura in la helo dawo iyo caafimaad ka jaban kan ay qiimaha wayn ku soo waaridaan. Waxa kale oo intaas ka sokow oo hadalka ku soo gabo gabeeyay in loo baahan yahay in   kor loo qaado iskaashiga bulshada ee ku aadan dhinacyada kobcinta caafimaadka Haweeenka.

    Wixii intaas ka dambeeyay waxa ay wufuudani kormeer ku soo mareen gudaha cisbitaalka Fistulaha oo ay jiifeen haween badan oo loo sameeyay dawayn kuwaas oo imika xaaladoodu fiican tahay isla markaana ka kala yimid gobolada fogfog ee dalka Somaliya

    fistula-boorama-1.JPG

    Wariye:-
    Abokor Xasan Caafi
       
       

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: