SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hambalyo Iyo Boogaadin Ku Socota Boqor Saleebaan Aw Cali Maansheeye Iidle

    Posted by Sawnews.tk on June 19, 2009

    imgp0134.JPGDhamaan dadkan hoos ku qoran waxey hambalyo diiran u dirayaan boqor saleebaan aw cali maansheeye oo 18-o6-2009ka lagu boqrey duleedka degmada Boon oo ka tirsan Gobolka Salal,
     waxaaney ilaahey uuga baryayaan in uu u fududeeyo xilka culus ee uu u qaadey dadkiisa iyo dalkiisa, waxaa kale oo ay boqor saleebaan ku boorinayaan in uu noqdo boqor ku shaqeeya cadaalad iyo sinaan buuxda, isla mar ahaan taana uu noqdo boqor ka shaqeeya harumarka Gobolka Salal oo ah gobol ay ku taalo magaalada qadiimka ah ee saylac oo sida ay taariikhdu xuseyso ah magaaladii ay diinta islamku ka soo gashey geeska africa, hadaba dadka hambalyada diraya waxaa ka mid ah

    imgp0134.JPG
     
    Xaaji Adan Ahmed
    Nuur Hussein Obsiye
    Elmi Aw Osman Wabari
    Eng Abakor Dahir Obsiye
    Wariye Saleebaan Hussein
    Ambasador Ahmed Jama
    Abdirashiid Nuur
    Abdi Mahamoud Gudal
    Mohamed Jama Ibrahim
    Sacad muhumad Sacad
    Mohamed jama Alel
    Abdirahman Hamud Alel
    Mustafe Osman Raydal
    Mahamed Yusuf Weyrah
     
    Boqor saleebaan aw cali maansheeye oo sanadihii u dambeeyey ku sugnaa dalka gudihiisa ayaa lagu xusuustaa doorka uu ku lahaa dhinaca warbaahinta isaga oo ka mid ahaa bahda qalin maal, saleebaan waxa uu wax ka qoraa dhibaatooyinka ka taagan somaliland iyo sidii looga bixi lahaa waxaana uu hormuud u ahaa inta u hadasha Gobolada Awdal iyo Salal oo ah laba gobol oo mataano ah, saleebaan waxa uu mar walbe iftiimin jirey dib u dhaca ku habsadey goboladan uu ka soo jeedo iyo waxyaabaha dhaliyey sidoo kale wuxuu soo dhaweyn jirey harumarka joogtada ah ee ka hirgaley gobolada Salal iyo Awdal, saleebaan waa halyey cod kar ah oo dhiiban kara odhaahdiisa cad ee ku saleysan sidii ay dadkiisa iyo degaanka uu ka soo jeedaa u heli lahaayeen wax kasta oo ay xaq u leeyihiin, waa shakhsi aaney dadku u kala soocneyn mar walbana jecel nabada iyo harumarka, waa ma gabade gun iyo baar wax ka fiirsha fahmadiisu sareyso feejigan, waa hayley isu kalsoon oo noqon kara kaabe iyo kaalmeeye adag oo ay bulshadu u baahan tahay Boqor Saleebaan oo la aaminsanyahay in uu yahay  Boqor karti iyo karaamo leh, Boqorkii sugudda nabadgelyada, sinnaanta, caddaaladda, toosinta qaladaadka jira, talobixinta hagaagsan, wadajirka, waanada, walaaltinimada iyo ka qaybqaadashada xallinta iyo xasaratobixinta dhibaato kasta oo ka jirta geyiga somaliland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan si buuxda u bilaabi doono hawsha boqortinimo ee loo igmadey ugu dambeyntii waxaan Boqor saleebaan aw-cali maanyeeshe ilaahey uuga baryeynaa in uu siiyo cimri dherer iyo caafimaad qab taam ah oo uu dalka iyo dadka kheyr ugu horseedo aamiin.
     

    Abdirisaaq Hammaal.
    rasiiqi07@hotmail.com

    One Response to “Hambalyo Iyo Boogaadin Ku Socota Boqor Saleebaan Aw Cali Maansheeye Iidle”

    1. weeraar said

      asc dhamaan. waxaan marka hore hanbalyo iyo tahniyad hawada u marinayaa Boqor saleebaan maasheeye illaahayna waxaan uga baryayaa inuu xilkiisa ufududeeyo.

      marka xigtana waxaan salaamayaa oon sidookale u hanbalyeynayaa hogaanka hidiska iyo hawlwadeenada shabakadan waadna mahadsantihiin.
      illaahayna haydinka abaalmariyo.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: