SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Boqor Saleebaan Aw Cali Maasheeye oo Lagu Caleemo Saaray Degmada Boon oo Ka Mid ah Gobolka Selel

    Posted by Sawnews.tk on June 19, 2009

     Bboqor-saleebaan-aw-cali-maasheeye-8oorama (Sawnews) – Magaalada Boon kana mid ah degmooyinka G/selel, ayaa lagu caleemosaaray boqor cusub oo la filayo inuu ka mid noqdo boqorada gobolada soomaaliland. Boqor Saleemaan Aw Cali Maasheeye, kana mikd ah waxgaradka ka soo jeeda degaanka Boon, ayaa caleemosaarkiisii habeen hore waxa kasoo qaybgalay madaxdhaqameedyo ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Selel, siyaasiyiin, culimaauddiin, maamulka Goboka Awdal, aqoonyahanno iyo martisharaf kale.  

    Furitaankii xafladdan caleemosaarka ah oo u furay maayarka Degmada Boon, Raage Cismaan Waaberi, ayaa khudbad furitaan ahayd oo uu halkaa ka jeediyey kaga hadlay baahida keentay in wakhtigan Selel loo caleemo saaro boqor ama hoggaamiyedhaqameedy ka shaqeeya danaha dadweynaha gobolkan dhawaanta madaxweyne Rayaale u magacaabay gobolnimada, si loo caawiyo ayuu yidhi maamulka dawladda ee xukuma gobolka.

    Raage Cismaan waaberi, gudoomiyaha Degmada Boon, ayaa sidoo kale sheegay in magacaabista boqor saleemaan Aw Cali Maasheeyey anay ahayn mid loola danleeyhay cid gaar ah iyo beelo gaar ah, balse ay tahay uun horumarinta nidaam dhaqameedka dalka awalba hore uga jiray. Sidaa darteedna an loo qaadan in caleemosaarkiisu noqdo mid cid gaar ahi is magacawday ee ay tahay mid ay bulshada gobolka Selel codsadeen, una doorteen Boqor Saleemaaan Aw Cali Maasheeye inuu noqdo boqorka G/selel.

    Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xuseen Cawaale Warfaa, kana mid ahaa maayaradii Boorama soo maray sagaashameeyadii, isagoo xuseen Cawaale khudbaddiisaasi ku xusay in qabanqaabada boqorka maanlintaa la caleemo saarayey muddo lagasoo shaqaynayey, taas oo uu sheegay in dadweynaha ku nool gobolka Selel ay iskood iskugu xilqaameen inay samaystaan madaxdhaqameed kale oo sii xoojiya maamulka dawladda iyo arrimaha bulshada degaankaasi.

    Xuseern Cawaale, ayaa sidoo kale sheegay in magacaabista Boqor Saleemaan Aw cali ay wax weyn ka tari doonto isku xidhka gobolka selel iyo beelaha kale ee soomaaliland, dano kalena kusoo kordhin doonto iskuxidhnaanta iyo midnimada beelaha dhulkaa wadadega, wax saamayn ahna anay ku yeelan doonin madaxdhaqameedyadii hore uga jiray gobolada Awdal iyo selel.

    Cabdilaahi Cali, kana mid ah hoggamaiye dhaqaammeyada ka sooa jeeda G/awdal, ayaa isna halkaa ka sheegay in magacaabista Boqor Suleemaan anay waxba kaga duwanayan nidaamkii dadweynaha gobolada soomaaliland kusoo magacawdeen cid hoggaamisa, arrimahoodana gaadhsiisa dawladda sare, isla markaana baahida dadweynaha gobolkaasi kala xidhiidha dawladda iyo dadka gobolkaa u dhashay ee dalka ka maqan.

    boqor-saleebaan-aw-cali-maasheeye-6

    Abiib Rooble Xoosh, kana mid ah waxgaradka Degmada Boon, oo isna codkiisa ku biiriyey magacaabista boqor Saleemaan Aw Cali Maasheeye, ayaa sheegay in saleemaan Maasheeye oo kasoo jeeda Degaanka Boon uu xaq u yeeshay in la gaadhsiiyo martabadaasi, isagoo in muddo ah kasoo hadlayey ayuu yidhi danaha gobolada Awdal iyo Selel, dadkana ku baraarujin jiray inay had iyo jeer ka shaqeeyaan waddaninimada iyo midnimada si loo gaadho horumar.

    Abiib Rooble Xoosh, ayaa wuxuu intaa ku daray “waxanan taageeraynaa magacaabistiisa, isla markaana aan ku ballanqaaday in aan boqorka la shaqayn doono.”

    Abiib Aw Aadan Jaamac oo isna kana mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee magaalada Boon ayaa isagu ka hadlay inaan boqor saleemaan loo arag inuu yahay boqor jilib ka mid ah jilibyada Reer Awdal ama Reer Selel, balse uu yahay boqor u dhexeeya dhammaan dadweynaha dhulkaasi, loona baahanyahay in lagu garab galo hawlihiisa iyo danta umadda, isagoo boqorka xusuusiyey in maanta uu fuulay xil weyn oo u baahan inuu ku guto dulqaad, maankana uu ku hayo inuu inta wanaagsan iyo inta kaleba boqor u yahay, arrimaha siyaasadeed ee hoos u dhigay dhadhankii madax dhaqmeedyada Soomaalilandna uu iska ilaaliyo.

    Sh. Maxamed Cabdi oo kana mid ah culimada diinta ee magaalada Boon, ayaa boqorka cusub ugu duceeyey in Ilaahay hawshiisa u fududeeyo, iyadoo halkaasi laga akhriyey duco lagusoo dhaweynayo boqorka cusub. Waxana uu boqorka xusuusiyey inuu had iyo jeer arrimhiisa Ilaahay iyo diinteenna islaamka la kaashado, kana qayb qaato xoojinta diinta iyo dhaqankeeda, si Ilaahay ugu fududeeyo xilkiisa, caddaaladna ku dhaqo dadka uu masuulka ka yahay, isgoon cidna soo dhaweysan, cidna iska fogeyn, dadka kii xun iyo kii wanaagsanna uu odaygiisa yahay.

    Ugu dambayntiina boqorka la caleemo saaray ayaa uga mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay celeemo saarkiisa, isagoo dhinaca kalena ballanqaaday inuu sida ugu caddaadda badan leh uu dhex uga noqon doonom arrimaha bulshada uu masuualka ka yahay.

    Xafladdaan caleemo saarka ayaa sidoo kale waxa laga soo jeediyey suugaan iyo gabayo isugu jira ammaan iyo wax tusaaleyn ku saabsan boqorka la caleemo saaray.

     

    boqor-saleebaan-aw-cali-maasheeye-8

     


     

     

     

    boqor-saleebaan-aw-cali-maasheeye-7

    boqor-saleebaan-aw-cali-maasheeye-9

    Maxamed Cumar Hyena

     

    Harowo.com, Boorama, Somaliland

    Email:  moshimu002@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: