SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo la kulmay amiirka dalka Kuweyt

    Posted by Sawnews.tk on June 18, 2009

    kuwit somalilandKuwait (Sawnews)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo socdaal ku jooga dalka Kuwayt, ayaa la kulmay amiirka dalka Kuwayt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al Jaabir Al Sabaah.

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay  labada dhinac oo ku saabsan kulankaas, laakiin ilo xogogaala ayaa wargeyska geeska afrika u xaqiijiyay Madaxweyne Rayaale oo amiirka la kulmay salaasadii doraad, sida uu warku sheegay kulankaas  oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Kuwayt Mohammed Sabah AL Saleem waxa uu Madaxweyne Rayaale, madaxda Kuwayt ugu bandhigay qorshayaal aan si rasmi  ah loo shaacin, balse uu warku tibaaxay inay la xidhiidhaan dhinacyada horumarka oo uu ka codsaday inay dawlada kuwayt ka caawiso Somaliland, waxaana la sheegay inuu kulankaasi  ka dhacay qasriga Madaxtooyada.

    Warku waxa uu intaas ku daray in amiirku  shalay Madaxweyne Rayaale u sameeyay  qado sharaf ay goob joog ka ahaayeen  qaar ka mid ah tujaarta reer Kuwayt iyo waliba wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, waxa kale oo uu shalay la kulmay ninka leh dhaxalka boqortooyada dalkaas.

    Madaxweynaha Somaliland oo uu socdaalkiisa ku weheliyo Wasiirkiisa Waxbarashada iyo Xoghayntiisu, waxa uu magaalada Berbera ka raacay Axadii toddobaadkan diyaarad gaar ah oo ay dawlada kuwayt u soo dirtay, waxa la sheegayaa in dawlada Kuwayt  si diiran u soo dhawaysay Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxana madaarka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha  badhasaabka  gobolka ay caasimadu ku taalo ee Kuwayt.

    Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: