SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumadda Somaliland Oo Shirkad Norway Laga Leeyahay U Kordhisay Muddada Sahaminta Shidaalka Dalka.

    Posted by Sawnews.tk on June 17, 2009

    tgs Hargeysa(Sawnews)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay muddada u kordhisay Shirkad dalka wadday sahamin dhinaca Shidaalka iyo Macdanta ah oo laga leeyahay dalka Norway,isla markaana lagu magacaabo TGS.

    Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Energy Current oo Warkan baahisay, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa sheegtay in muddada loo kordhiyay Shirkaddan iyo sahamintii ay dalka ka wadday, isla markaana sahamintan oo sida ay Warbixintani sheegtay la filayay in la soo gebogebeeyo bisha August ee sanadkan, ayaa dib loo riixay ilaa 15-ka bisha December. Taas oo natiijada la sheegay in lagu dhawaaqi doono 15-ka March 2010 ee sanadka dambe.

    Siday sheegtay Warbixinta ay baahisay Shabakadda Energy Current, sahamintan ayaa la sheegay in ay Shirkaddani ka samaynayso 34,604 Mayl oo isku wareeg ah, una dhiganta 89,624-km oo isku wareeg ah oo ka mid ah Dhulka iyo Xeebaha Somaliland. sidoo kale, waxa Warbixintan lagu sheegay in sahamintan ay samaynayso Shirkadda TGS ee dalka Norway ay ku salaysan tahay dhul dhan 3,293 Mayl oo ah xogta cuf-is-jiidadka, Birlabta dhulka iyo Dhul-gariirka ee Xeebaha iyo dhul kale oo dha 21,562 Mayl oo ah macluumaad ku saabsan xaddiga sare ee dhammaan Shidaallada dalka.

    Xogtan ayaa la sheegay in markii ugu horraysay la bilaabay sanadihii 2007 iyo 2008, taas oo Shirkadda TGS xogta u isticmaashay in ay samayso calaamado muujinaya, isla markaana ay Warbixino uga gudbiso Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland.

    Wargeyska Ogaal. 

      sawnews log

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: