SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warbixin: Gobolka Sanaag oo si weyn loogu Diyaar-garoobayo Booqashada uu ku tegayo Madaxweyne Rayaale.

    Posted by Sawnews.tk on June 17, 2009

    ceerigaabo-small Ceerigaabo (Sawnews/Maalmaha) – Waxa tan iyo maalintii shalay ku soo qul qulayay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wufuud ka kooban Salaadiin, Garaado iyo Cuqaal kuwaas oo ka kala socda gobolka Sanaag bari iyo deegaanada Koonfurta Gobolka madax-dhaqameedkan ayaa waxaa hor kacayay Suldaaan Siciid Suldaan C/Salaan Suldaaan Maxamuud oo uu weheliyo gudoomiyaha gobolka Sanaag Bari C/Xakiin Wahaabi.

    Socdaalka wufuud dhaqameedani ayaa si wayn looga dareemayaa magaalada Ceerigaabo labadii maal mood ee ina dhaafay taas oo dad waynuhu ay ahaayeen kuwa falan qaynaya isla markaana qaadaa dhigaya hadal haynta dulucda iyo ujeedada socdaalkan wafdi dhaqameeda walow dad waynuhu aragti ahaaneed ay ku kala duwanaayeen.

    Si kastaba ha ahaatee bahda saxaafada ayaa shalay gelinkii hore ku booqatay wafdiga qasriga daanta bari uu ku leeyahay Suldaaan Siciid Suldaaan C/Salaan halkaas oo ay ku sugnaayeen wafdi dhaqameedku si wayn waxaa saxaafada u gaga waramay u jeedada socdaal kooda iyo waliba xaalada gobolka sanaag bari Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan wuxuuna yidhi: “Wuxuu socdaal kayagu gogol dhig u yahay soo dhowaynta reer Sanaag diyaarka ula yihiin imaatinka la filaayo in madax waynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ku iman doono gobolka, sidaas og soon tihiinba gobolka Sanaag la mid maaha gobolada kale ee dalka oo waa gobolka ay ka soo jeedaaaan gabi ahaanba beelaha reer Somaliland waana gobolka keliya ee isku mawqifka ka taagan taageerida asxaabta qaranka sidaad og soon tihiin dad waynaha reer sanaag 97% waxay taabacsan yihiin xisbul muxaafadka UDUB.

    Taas oo ay sabab u tahay reer sanaag waa dadka keliya ee iyagu aqoon buuxda u leh macnaha iyo ahmiyada dawlad nimadu leedahay sidaas la ajligeed gogol dhiga iyo u diyaar garowga soo dhowaynta madaxnuhu way ka gedisan tahay ka sanaag ahaan gobolada kale ee dalka”

    Suldaanku wuxuu intaas ku daray siday shacab waynaha gobolka Sanaag bari iyaguna diyaarka ugu yihiin in doorashadu ka qabsoonto goobkasta oo kamida sanaag bari waloow abaaro ba’ani hadheeyeen sida uu yidhi Suldaan Siciiid Suldaan C/Salaan oo ku hadlayay afka wafdiga.

    U diyaar garowga soo dhowaynta madaxwaynaha  dalka jamhuuriyda Somaliland kuma koobna oo kaliya huogaamiye dhaqameedada balse tan iyo bilawgii socdaalka madax waynuhu ku maraayay gobolada dalka ayaa siwayn looga dareemayay shacbi waynaha diyaar garow xoogan.

    ceerigaabo

    Weriye -C/rasaaq Yuusuf Cali (Terra)

     

    Source:    Maalmaha News Paper Hargeysa Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: