SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Roob Lagu Diirsaday oo Ka Da’ay Borama iyo Duleedkeeda

    Posted by Sawnews.tk on June 17, 2009

    bnn_home_townBoorama (Sawnews/Bnn)-Iyadoo Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Borama ka taagnayd Biyo la’aan Ba’an ayaaa Ay Shalayto Magaalada ka Da’ayn roob si aad ah loogu diirsaday.
    Abaar Baahsan ayaa ka taagnayd Magaalada iyo Hareeraheeda ha usii darnaadeen dadka ku nool deegaanada ku  dhaw magaalada kuwaasi oo ay taabatay biyo la’aan iyo abaartu, oo ay xataa xooluhu waayeen wax ay dhulka ka qaadaan. Qaar ka mid ah xoola dhaqatada ku nool deegaanada u dhaw magaalada oo aan waraystay ayaa ii sheegay in hada waxa ugu daran ay yihiin biyo la’aan , waxa uu yidhi isagoo hadalkiisii sii wata “waxaaba nagaga daran kulayl xad dhaaf ah oo intan danbe yimid oo xataa socodkii iyo aroorkii (waraabkii) xoolaha halis ku ah oo aanad inyar dhaqaaqayn karaynin” .

    Inta badan masaajidada Magaalada Boorama ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa laga akhriyaaya duco roob-doon ah salaad kastaba,  iyadoo kulayka ka jira magaaladu uu ahaa mid inta badan dadka wada taabatay, marmarka qaar aad moodayso inaad xeeb joogto.

    Haddaba iyadoo Xaaladu sidaa u adagtahay, dadkuna dhagaha taagaya ayaa maalintii Isniintii waxa lagu soo toosay subaxnimadii daruur qarisay dhamaan cirkaa oo dhan.

    waxa dadku u dhagtaagayeen bal halka ay ku hoorto daruurta qarisay magaalada ee jawigii kululaa u badashay qabaw. Markay saacadu ahayd labadii ku dhawaad ayaa waxaa dhanka woqooyi bari ee magaalada ka onkoday roob,  kaasi oo markaad u fiirsato ahaa mid aad u maddow oo onkod iyo dabaylo  xoogan la socotay

    Waxa markaliya Magaalada Qabsaday Roob aad u laxaad weyn oo wata Daruuro Madaw iyadoo Onkodka iyo Hilaacu is qabsadeen dhulka iyo Cirkaba.

    Roobka kadib oo aan wax ka weydiiyey Mid ka mid ah Beeralayda ku nool jiidaasi waxa uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin raxmada Eebe ee u curatay waxana hadalkiisa ka mid ahaa “waa wax ilaahay loogu shukriyo marka hore waxaana nagu da’ay roob aad u xoogbadan oo dabayl aada wata iyo dhagaxyaale xoolihiina waa naga dhardadeen laakiin wax walba Waxaan ugu shukriyaynaa ilaahay wayna iska soo diiri doonaan xooluhu”

    Isku soo wada duuboo waxaad maalmahan ku arkaysaa magaalada cagafyadii oo lawada kiciyay oo loo dhaqaaqay dhanka beeraha.

    Markii hore dadku ay ku sugnaayeen xaalad quusa , intabadan waxaa la kala laayahay cagafyadii maalmahan sobobtoo ah waxaa la sugaayay daruurtan, waxaanad arkaysaa dadkii oo raadinayaa cagafyo iyadoo dadku doonayaan inay ku gaadhaan inta raysku jiro ee ciidu sii qoyantahay.

    Si kastaba ha ahaatee roobkani waxa uu ahaa mid lagu diirsaday Miyi iyo Magaalaba kana wada farxiyay dadka oo dhan


    Borama News Network 

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: