SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Badhasaabka Gobolka Salal Oo Sheegay In Abaar Iyo Xanuunka Shuban-biyoodku Ay Ku Habsadeen Deegaanno Ka Tirsan Gobolka

    Posted by Sawnews.tk on June 17, 2009

    saylacSaylac(Sawnews):-Badhasaabka Gobolka Salal Cawaale Ismaaciil Xasan,ayaa sheegay in Abaar iyo xanuunka Shuban-biyoodka loo yaqaanaa ay habsadeen qaar ka mid ah Deegaanada Gobolkaas hoos yimaadda, isla markaana waxa uu ku baaqay in Gurmad degdeg ah loo fidiyo, gaar ahaan gargaar cunto iyo caafimaad oo ay waktigan aad ugu sii baahan yihiin.

    Baaqan Badhasaabka Gobolka Salal ayaa ka dhashay kormeer uu maanta ku maray Degmooyinka Saylac, Xariirad iyo Garbo-dadar, waxaanu Guddoomiyuhu indhihiisa ku arkay xaaladda Abaar iyo biyo la’aan is barkan oo deegaanadaas iyo tuulooyinka hoos yimaadda qaarkood ka jira.

    Badhasaabka Salal oo caawa u hoyday Degmada Garbo-dadar, ayaa sheegay in deegaanada Degmada Garba-dadar uu wakhtigan ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka ee dadka fuuq-bixiya, iyada oo xaaladda Degmadaas uu warbixin ka siiyay Duqa Garbo-dadar.

    Guddoomiyaha Gobolka Salal Cawaale Ismaaciil Xasan, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha, Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka aadamaha in ay sidiga ugu dhakhsaha badan ugu gurmadaan dadka deegaanadaas ku dhaqan.

    Maaha markii ugu horeysay ee Abaartan iyo Xanuunka Shuban-biyoodku ku habsadaan Deegaanadda Gobolka Salal, hase ahaatee, marar kala duwan oo ahaa saddexdii sanno ee ugu dambeeyay ayaa ay abaartu ku soo noqnoqotay Deegaanadaas oo uu horena uga dilaacay Xanuunka Shubanku. Iyada oo dhinaca kalena wakhtiga Roobabka ee labadii sanno ee ugu dambeeyay ay ka da’een deegaanadaas Roobab abaarta ka sokow waxyeelo weyn u gaystay dadka iyo duunyada Deegaanada Gobolka Salal.


    sourse hadhwanaag.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: