SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dr. Sulayman Axmed walhad oo ardayda Jaamacada Camuud kala hadlay fulinta aqoonta toosan (Dhagayso)

    Posted by Sawnews.tk on June 17, 2009

    walhadBoorama (Sawnews/Saylac.com)Jun,17,2009. Kulanka Ardayda jaamacada Camuud iyo Prof. Salaymaan Walhad Shir Maanta loo Qabtay Ardayda wax ka Barata Jaamacada Camuud, waxa lagaga hadlay loona shaagay Ardayda, Hirgalinta Aqoonta, Waanada Ardayga Tusaalaynta Qaababka shaqo ee Nolosha, iyo Sida Cilmiga Loo adeegsado, dalkaagana Loo jeclaado,

     Sidaa waxaa maanta    Ardayda U shaagay Prof. Salaymaan Axmed Walhad, oo ah Aqoon yahanada qurba- Jooga reer Awdal Laguna tilmaamo,Raga ugu cad-cad ee Jaamacada Camuud, Jecel inay Hogaanka Jaamacada africa Noqoto.

    Barnaamijkan oo loogu Magacdaray Hirgalinta Aqoonta iyo Sida Loo adeegsado, waxaa maanta marti u ahaa oo Prof.  Salaymaan Walhad.
     
    Hoolka shirarka Jaamacada Camuud waxaa iskugu Yimid Dhamaan Ardayda wax ka barata Jaamacada Camuud.
     
    Ugu Horayn waxa Lagu furay Aayado Quraana, ka dib waxa shirka bilaabay oo Hadal kooban ku Furay Madaxwayanaha Jaamcada Camuud prof. Salaymaan Axmed Guuleed.  Prof. Salaymaan Guuleed ayaa ugu horayn Baray Ardayda jaamacada aqoonyahanka Maanta Martida u ah, iyo inuu Salaymaan Axmed Walhad yahay ama ka mid yahay ragii ugu horeeyay ee ka hawlgalay aas-aaskii Jaamacada Lagu Yagleelay.

    Intaa ka Dib waxa qudbad dheer akhriyay oo makarafoonka lagu soo wareejay Pro. Walhad  oo maanta jeediyay hadalo Ardayda Jaamacada camuud Dhagta ay Xoqon waayeen, hadaladaa Salaymaan oo iskugu jiray waano, Talo, Wax sheeg iyo sida ay rabaan inay Noqdaan Ardayda Jaamacada Camuud wax ka barataayi tusaalana u Noqdaan Geeska Africa iyo inay wax ka badalaan Bulshada ay ka soo Jeedaan, aqoontana u isticmaalaan sidii Jahliga iyo faqriga looga Bixilahaa qud-bada oo dhan ka dhagayso  Halkan ka dhagayso hadaladii oo dhamaystiran Part 1

    Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore iyo Hurmuudka Kuliyada Cafimaadka Dr. Siciid Axmed Walhad, ayaa sidoo kale Hadalo wax ku oola iyo tusaalayn leh ka akhriyay maadasha kulanka iyo shirarka ee jaamacada camuud.   Halkan ka dhagayso part 2

     

     

     

     

     

     

     

     

     Source Saylac.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: