SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UDUB oo Daaha Ka Rogay Mawqifkiisa Ku Aadan Xaalada Dalka Iyo Qoddobo Kale

    Posted by Sawnews.tk on June 16, 2009

    udubHargeysa(Sawnews)-“Waxanu u soo jeedinaynaa xisbiyada Mucaaradka Kulmiye iyo UCID inay ka waantoobaan masabidaada raqiiska ah iyo muranka aan dhammaanayn ee keenaya waqti lumis iyo carqaladayn ku timaada doorashooda Inay qabsoonto 27 September 2009”-sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay galabta soo saareen Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga UDUB, kaasi oo ay kaga Hadleen Mawqifka Xisbiga UDUB ka taagan yahay XAalada dhabta ah ee uu dalku haatan ku sugan yahay, xalka loo baahan yahay in lagaga gudbo, Qodobaddii ay ka wada hadleen Xisbiyadda Qaranku maalmihii u Dambeeyay iyo Weliba aragtida ay ka qabaan Deeq bixiyayaasha.

    Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay kale oo ay Si adag uga jawaab Celiyeen Dhaliilo ay Labada Xisbi Mucaarad u soojeediyeen Xukuumadda/UDUB oo nuxurkoodu ahaa in aanay Xukuumadda ka go’nayn qabsoomida doorashada, taasi oo ay Masuuliyiinta Xisbiga UDUB oo uu hor kacayo Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, kana mid ahaayeen Guddoomiyaha Olalaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal, Guddomiyaha Siyaasada ee Xisbiga Md. Cumar Jaamac Faarax, iyo Xog-hayaha Xisbiga UDUB/UK Dr. Maxamed Aw-Daahir, ku tilmaameen Dacaayado ay naftooda ku maaweelinayaan Mucaaradku, rabaana inay bulshada jaha wareer ku ridaan.

    Haddaba Warsaxaafadeedka ay soo saareen masuuliyiinta UDUB, isaga oo dhinacyo badan tabanaya waxa uu u dhignaa sida tan:

    “Waajibaadka muwaadinka reer Somaliland waxa u weyn:

    Adkaynta midnimada ummada, ilaalinta jiritaanka qaranka, difaaca dalka iyo diinta Waxa hadal lala yaabo ah oo xaqiiqadana ka fog war saxaafadeed ka soo baxay labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID oo ay ku edeeyeen Xukuumada iyo Xisbiga talada haya inay dib u dhigayaan doorashada loo muddeeyey 27 September 2009. Hadaba waxanu ummada reer Somaliland gudo iyo dibadba, cuqaal, culumaa’udiinba, salaadiin i wax garad, ururda bulshada,ganacsatada, saaxiibada Somaliland, deeqa bixiyayaasha iyo Beesha caalamkaba u sheegaynaa inay naga go’an tahay in doorasho xor ah oo xalaal ahi ka qabsoonto wadanka Somaliland kuna qabsoonto waqtigii loo mudeeyey oo ah 27 September 2009.

     

    Hadaba waxanu xisbiyada Mucaaradka ka wada hadlaynay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin
    Magaacibista Guddiga anshaxa doorashada
    • Ka wada tashiga Komishanka qaranka.
    • Shuruudaha Deeq bixiyayaashu ku xidheen doorashada

    Mawqifka Xisbiga UDUB:

    1. Waxanu soo jeedinay in guddiga anshaxu ka yimaado lagana soo xulo qaybaha kala duwan ee Bulshada riyidka ah, Culimada, haweenka, dhallinyarada, aqoon yahanka, oo lagu soo xulo inay yihiin dad aan ka tirsanayn xisbiyada (Non partisan) ayna soo xushaan Komishanka qaranka oo u xilsaaran doorashooyinka. Waxanu kale oo soo jeedinay in la xoojiyo guddiga anshaxa ee hore u jirey, lana kordhiyo haddii laga maarmi waayo.
    Halka Xisbiyada mucaaradku soo jeediyeen in laga soo xulo Xisbiyada tartamaya mid kasta 3 xubnood, lana kala diro guddiga anshaxa ee hore u jirey.

    2. Gudiga doorashooyinka in la xoojiyo awoodooda,

    Anaga oo ka duulayna xeerarka wadanka iyo in komishanku yahay hay’ad madax bannaan oo aanu xisbina xaq u lahayn inuu fara geliyo, rabitaankiisana ku bedelo xubin ka mida ah xubnaha komishanka. Ka dib markii ay cabasho iyo kalsooni darro ay ka muujiyeen xubnihii ay hore u soo xusheen xisbiyada mucaaradku, ayaanu soo jeedinay anagoo
    tixgelinayna cabashadooda inay soo qanciyaan xubnahooda ay qawadsan yihiin ee ay doonayaan inay bedelaan. Anaguna aanu xubin ku soo qancino in la bedelo oo ka mid kuwii xukuumadu keentay.
    Halka xisbiyada mucaaradku soo jeediyeen in lagu kordhiyo 4 xubnood taas oo aan waafaqsanayn xeerka uu ku fadhiyo Komishanka Doorashada oo tiradiisu ku xadidan tahay 7 xubnood, iyada oo aanu u aragnay in lagu carqaladaynayo in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda.

    3. Shuruudaha Deeq Bixiyayaasha:
    Waanu u mahad celinaynaa deeq bixiyayaasha naga caawinaya inay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, tala soo jedintoodana waanu tixgelinaynaa, ilaa iyo inta aanay ka horimanayn shuruucda dalka,
    karaamada iyo nabad gelyada ummadda Somaliland. Xukuumada waa ka diyaar inay bixiso saamiga kaga aadan kharashka doorashooyinka oo ah 25%. Waxana waxba kama jiraan ah in Xukuumada iyo xisbiga talada hayaa dal badeen in wadanka laga saaro hay’adda interpeace oo taageerta komishanka qaranka.

    Soo jeedin:
    Waxa beryahan 3 da Xisbi qaran u socday wada hadalo lagaga xaajoonayey qodobada kor ku xusan oo meel wanaagsan noo marayey, kuna dhowaa heshiis dhammays tiran. Nasiib darro maalintii loo ballansanaa in qalinka lagu duugo heshiiskaas oo ahayd 15 June 09, ayey noo sheegeen inay ka baxeen wada hadalkii, shir jaraa’id oo ay qabteen gelinkii danbena waxay ku burburiyeen rajadii laga qabay in heshiis la gaadho.

    Waxanu u soo jeedinaynaa xisbiyada Mucaaradka Kulmiye iyo UCID inay ka waantoobaan masabidaada raqiiska ah iyo muranka aan dhammaanayn ee keenaya waqti lumis iyo carqaladayn ku timaada doorashooda Inay qabsoonto 27 September 2009

    Xisbiga UDUB waxu mar walba diyaar u yahay wada tashi iyo isu tanaasul waafaqsan shuruucda iyo danta guud ee qaranka.

    Gebagebo:

    Xisbiga UDUB waxu ku guubaabinayaa shacbiga Somaliland inay u diyaar garoobaan doorashada dhacaysa 27 September 2009, kana digtoonaadaan waxii abuuraya fadqalalo ama ka hor imanaya inay doorashadu qabsoonto waqtigeeda. Shacbiga Somaliland waxa horyaal inay doortaan hogaankooda si xor iyo xalaal ah, kuna codeeyaan nabad iyo deganaansho si loo gaadho himilada aqoonsi ay higsanayaan.”

    Source Qarannews sawnews log

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: