SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka USWO oo Maanta Qalab ay Hay’adda DRC Ku Deeqday Gaadhsiiyey Rayiislayaasha Boorama

    Posted by Sawnews.tk on June 16, 2009

    Jrayiislayaasha-boorama-1une 16, 2009 Boorama (Sawnews) – Ururka waddaaniga ah ee loo yaqaan USWO, ayaa qaaar ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ee ku nool Boorama soo gaadhsiisay qalabka loogu xiiro dadweynaha si kor loogu qaado noloshooda, isla markaana loo ilaaliyo caafimaadka dadweynaha ay u xiirayaan.

    Qalabakan oo ay ha’adda DRC ugu deeqday dadka laga tirada badanyahay ee Boorama ku nool, ayaa xaflad loo qabtay wareejinta deeqdan waxay kasoo qaybgaleen  maayarka magaalada Boorama ,C/raxmaan Shide Bile, madaxa ururka USWO, C/laahi Xadan Digaale xildhibeenno ka tirsan golaha degaanka Boorama saraakiisha ka socotay Hayadda DRC, ayaa ku dhawaad sideed meheradood oo ah rayiissalayaasha Boorama ka furan loogu qaybiyey qalabka wax lagu xiiro iyo agab kale oo la xidhiidha qalabkaasi.

    Xafladdan oo lagu qabtay Huteel Rays, ayaa waxa ka hadlay Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile, isagoo maayarku ka warramay faa’iidada qalabkani u leeyahay guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan rayiislayaasha, isagoo xusaay in qalabkani lagaga maarmi kartaya qalabka duugoobay oo ay rayiislayaashaasi ugu xiiraan dadweynaha, isla markaana usoo jiidi kara caafimaad darro u horseedi karta in laga qaadi karo xanuunada ay ka mid yihiin cambaarta iyo hiv/aidska, isagoo ku guubaabiyey inay qalabkaasi dhawraan nadaafaddiisana ailaalaiyaan si ay ugu helaan nolo maalmeedkooda dadweynaha uga ilaalaiyaan caafimaad darro ka dhalata sida xun ee loo isticmaalo qaalabkaasi.

    C/laahi Xasan Digaale, ahna madaxa ururka waddaaniga ah ee USWO, ayaa isaguna warbixin ku saabsan qaabkii loosoo diyaariyey qalabkan iyo ujeedada laga leeyahayba ku tilmaamay mid la ogaaday baahida dadkaasi u qabaan qalabkan, isla markaana kor loogusoo qaadi lahaa noloshooda, waxna ka taraysa caafimaadka dadweynaha ay ka kaga shaqaysanayaan.

    rayiislayaasha-boorama-1

    Axmed Yaasiin Cismaan, kana mid ah saraakiish Hay’adda DRC ee qalabkan soo gaadhsiisay rayiisalayaasha Booramaayaa sheegay in qaybinta qalabkani kasoo bilaabatay gobolda Togdheer iyo Hargeysa, loogana dan leeyahay a kor u qaadidda wax soo saarka dadka laga tirada badan yahay ee ku noolk soomaaliland iyo sidii ay qalab caafimaad qaba ugu adeegsan lahaayeen hawlaha xiirista  oo laga yaabo inay ka dhashaan xanuunada  la kala qaado, waana barnaamij loogu talogalay ayuu yidhi  dibudejinta dadka laga tirada badanyahay ee ku barakacsan dalka gudhiisa ama itaalkooda dhaqaale anu u saamaxayn inay iibsadaan qalabkan oo kale. Waxana uu sarkaalkaasi kula dardaarmay in inkastoo anay gebi ahaanba daboolin baahida rayiislayaasha Boorama oo dhan  balse qayabtani tahay tii ugu horreysay ee ka faaiideysata, isla markaana wakhtiyada soo socda kuwa kale loo qaybin doono qalabkan.

    Mid ka mid ah rayiislayaasha Boorama oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa hay’adda DRC uga mahadceliyey deeqda qalabkan oo u sheegay inuu wax weyn kusoo kordhin hawlahooda iyo wax soo saarkooda dhaqaale, isagoo ballanqaaday in sida loogu talogalay ay u isticmaalaan, isla markaana anay  dad badan ugu xiiri doonin qalabkan qayab ka mid ah loogu talo galay in mar kaleiya la isticmaalo kaddibna la tuuro.

    rayiislayaasha-boorama-2

    rayiislayaasha-boorama-3

    Maxamed Cumar – Hyena

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: