SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maryan Mursal oo maanta dhagax dhigtay dugsigii ay ballanqaaday inay ka dhisayso Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on June 16, 2009

    mursal2Hargeysa(Sawnews)-Fanaanadda Caanka ah ee MAryan Mursal Ciise Xaaji Bootaan ayaa Saaka arooryadii Hore dhigtay Dhagaxii u Horeeyay ee Dugsiga ay hore u shaacisay inay ka dhisayso Xaafadda Daami ee Bariga Magaalada HArgeysa.

    Munaasibad ballaadhan oo ay Fanaanadda iyo Dadweyne kale ka soo qayb galeen oo lagu dhagax dhigayayy Dhismaha Dugsigan ayaa lagu qabtay Goobta loogu talo galay oo isla markaaba laga bilaabay binaha dugsigan.

    waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka,Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, qurba -joog ay horkacaysay Maryan Mursal oo ay ka mid ahaayeen fanaaniin waaweyn sida Cabdi Nuur Allaale iyo dadweynaha xaafada Daami

    Xafladan loo sameeyay dugsiga cusub ee ay maryan Mursal ka dhisayso xaafada Daami ee magaaladda Hargeysa oo loogu magac daray Abwaanka weyn ee Max’d Ibraahim Warsame Hadraawi waxa ka hadashay Maryan Mursal oo sheegtay ujeedada ay u dhisaysaa inay tahay sidii ay u Gacan qaban lahayd dadka maatada ah ee aan haysan waxbarashada sidii ay u taakulayn lahayd isla markaana mustaqbalka waxbarashadooda u dhisi lahayd

    Maryan Mursal waxa ay maamulka Somaliland uga mahadnaqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu fududeeyeen bixinta dhulka laga dhisayo iskuulka iyadoo sheegtay waxqabadka maamulka Somaliland sameeyeen inuu yahay mid aanay cidi dafiri Karin in Somali ku dayataana muhiim tahay

    Fanaanada Maryan Mursal waxa ay sheegtay talaabada xigta ee ay dalka ku aragtay ee wax ka qabashada u baahani inay tahay xal u helida dhibaatada haysata fanaaniinta reer Somaliland waxaanay ku baaqday in la is garab istaago fanaaniinta oo waxqabad dhab ah loo muujiyo iyadoo balan qaaday inay hormood u noqon doonto

    Maayar xigeenka caasimada hargeysa, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Wasiirku xigeenka Caafimaadka iyo Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay xafladii dhagax dhiga iskuulka ay Maryan Mursal ugu magac dartay Abwaan Hadraawi waxa ay si weyn ugu mahad naqeen fanaanada waxaanay ku hambalyeeyeen Heestii wanaagsanayd ee ay u qaaday 18 bisha may ee sanadkan oo lagu xusayay madax banaanida Somaliland iyo booqashada ay Somaliland ku timidba iyagoo ugu baaqay in lagu daydo niyad samida ay ummada reer Somliland u hayso

    Waxaanay fanaaniintii iyo dadweynihii xafladaa ka hadlayba si weyn ugu mahad naqeen Maryan Mursal

    mursal3mursal1mursal1Qarannews

    Hargeysa,Soomaaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: