SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxaa Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Xeebaha Galbeedka Awdal looga digay inay wax kala soo degaan dekadda dabiiciga ah ee Bulla-Caddo

    Posted by Sawnews.tk on June 15, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenWaxaan salaamayaa walaalaha had iyo jeer daneeya horumarka dhulkooga iyo dadkooga jecal waxaan leehay salaamu calaykum, walaalayaal waxa jira in ganacsadayaasha reer Awdal iyo reer Selel looga digay inay wax kala soo dagaan dekada dabiiciga ah ee BULLA CADDO.
    Bulla-caddo waxa weeyi dekad Ilaahay dhameeyey oo ah dabiici oo doonyuhu si fudud ugu soo xidhan karaan. Waxaana dekadaas isticmaali jiray oo lawada garanayo shirkadii la oran jiray CHEVRON waxay ahayd shirkad maraykana oo batroolka baadhi jirtay.
    Wax kastooy rabaan halkaas ayey kala soo degi jireen haday tahay qalabka aay ku shaqaynayaan haday noqoto qalabka aay ku seexdaan I.W.M.
    Bulla Caddo waxay u dhexaysaa Saylac iyo Lughaya waa meel hadii biyaha geer ka aad ka joogsato ay ku liqayaan, aadna u gun dheer qurux badna.
    markaa dadkan wax soo dajiya ee ganacsadayaasha ee reer Boorame iyo reer Awdalba iyo Salelba aay waydiisteen xukumada in loo sameeyo kustanka cashuuraha si cashuurtooda aay u bixiyaan, markaa dawladu mudo dhan ayey ka aamuseen waxayna jawaabtoodu noqotay kala soo dega dekadda Berbera. waayo Bulla caddo waa mamnuuc oo kalama soo degaysaan.
    Iyadoo sidaasi ah ayaa waxaa dhacay in todabaadkii hore lagu soo qab-qabtay gawaadhi xamuul ah oo socday xeebta u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac.
    kuwaasoo ku socday dekadaas  dadka qaarkood ku magacaabaan dekadda mac-malka laakiin anigu aan ku magacaabo dekadda dabiiciga ah ee la garanlaayahay, Si ay uga soo rartaan badeecad halkaas taalay oo dooni yari waday, halkaas ayaa dadkii watay lagu xir-xiray gawaadhidiina laga dhigay.
    Markaas waxaa halkaas ku cad in dadkan masaakiintaa ee reer Awdal iyo Salelba aan loo ogalayn inay wax kala soo dageen dakadahooga, dabiiciga ah.
    Maanta qabiilkaste oo Soomaali ihi waxuu isticmaalaa badaha uu ilaahay siiyey dekado hore ama kuwa aay samaysteen ha noqotee-
    laakiin nasiib daro dadkan reer Awdal iyo salelba ma isticmaali karaan dekadahooga, waayadii hore waaba la meer-meerin jiray laakiin iminka waxa socota in la yiraahdo xeebaha aan lahayn kastamada waxay halis u yihiin in hub lagala soo dego sheekadaasbaa iminka socota, oo dad adiga kaa mid ah la isticmaalyo.
    Markaa walaalaha reer awdal iyo salelba mutacalim,waayeel,dhalinyaro iyo inta uu Ilaahay garaadka ku mutaystay damiirkana leh haloo fiirsado arinkan, labo weeg  ka hor dhulbaa la iska xakumay si sharci dara ah oo aad  wada ogtihiin, waxa taas raacsan in aanad isticmaali karin badahaaga dabiiciga ah oo lagu sheegayo in dekadahan bilaa sharcigi ahi ay  khatar u yihiin in lagala soo dagi karo hub, waa sadii Hay’adihii Boorama laga kaxeeyey ee laga yiri-
    Boorame waa (RED ZONE) nabadgalyada uma fiicno oo nin cadi uma hoyan karo,

    Hadba hadalkii iyo gabagabadii waxaan idiin sheegayaa inay tani maanta tahay mid hor leh oo lagu cunaqabtaynayo dawaynaha Awdal iyo Selel lagu saaryo lana rabo in aan waligeen ku xidhnaano dekeda Berbera, Markaa halga hadlo arimahan jira xorna aan u noqono dekadeheena dabiiciga ah, hadii kale sida aay dawladu rabto hala yeelo taasoo ah in aad ku xirnaato Berbera  waligna  aad ku xidhnaato.

    anigu laakiin taas yeeli maayo dhulna ma ogoli in la iga xakumo taako  custamerna  noqonmaayee waxaan isticmaalayaa dekadahayga dabiiciga ah.
             wabilaahi towfiiq.
          by Rashiid Abdi Bakaal.
          ottawa on. canada

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: